Wasiir Koore iyo Weftigii Uu Hogaaminayay oo Soo Gaadhay Magaalada Berbera

0
1657
Wasiir-koore

Berbera (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo wafti uu hogaaminaayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa gobolada bari ee Somaliland ayaa soo gaadhay magaaladda Berbera.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka saaxil iyo gudida heer gobol ee u diyaar garawga iyo ka hortaga cudurka coronavirus, waxaana xaaladda caafimaad ee gobolka uga warbixiyay masuuliyiinta caafimaadka gobolka Saaxil iyo xubnaha gudida ka hortaga coronavirus.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee gobolka saaxil xiligan ay tahay mid aad u wanaagsan gudida heer gobol ee ka hortaga cudurkuna ay shirar joogto ah ka yeeshaan.

Geesta kale, Eng: Axmed Cismaan Xasan guddoomiyaha gobolka saaxil, maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamud Xasan (Ciddin) iyo Siciid Xasan Cabdilaahi, maareeyaha dekedda Berbera ayaa dhamaantoodba sheegay  in ay cudurka kula jiraan dagaal joogto ah ciddii looga shakiyana baadhitaan degdega la mariyo.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho indho), oo ka tirsan golaha guurtida ee Somaliland weftiga wasiirkana qayb ka ahaa ayaa bogaadiyey shirakadda D.P.W, oo deeq raashin ah gaadhsiisay gobollada bari.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (koore) ayaa sheegay in cisbitaaladii iyo goobihii caafimaad ee gobollada Sool, Togdheer iyo Saaxil ay ahaayeen xaaladoodu mid aad u wanaagsan.

Wasiirku waxaa uu sheegay in madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu dalbay Idaacaddii weynayd oo ay ku baxayso lacag dhan 1.5 milyan, sidoo kalena waxaa uu wasiirku sheegay in ay direen telefishanno iyo Idaacaddo FM ah, kuwaas oo lagu rakibi doono magaalooyinka waaweyn ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here