Wasiir Koore: Hadaad Maqashaan Soomaali-baa Somaliland Rabta Cida Ay Rabtaa Waa Beesha Dhexe

0
2284

Boorama (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in jiritanka gooni isku taaga Somaliland ay si buuxda faa’iido iyo waxtar muuqda ugu wada leedahay dhamaanba beelaha kala duwan ee wada dega dalka.

Waxaanu tilmaamay in haddii ay midnimo Soomaali weyn dhacdo aanay beello fara badan oo Somaliland dawladeedda kuraas  badan oo sare ku leh waxba ka heli doonin, isla markaana ay taasi khasaare ku noqonayso beelaha qaarkood.

Sidaas darteed na, looga baahan yahay bulsho weynta reer Somaliland in ay taa fahamsanaadaan oo ay ku adkaadaan ilaalinta qaran-nimadda Somaliland iyo wada jirka ummada ku wada nool.

Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu xalay ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Boorma oo loogu dabaal-degayay xuska lixdan guurrada ka soo wareegtay markii somaliland xornimadda ka qaadatay boqortooyadda Ingiriiska.

Wasiirka Koore, ayaa si gaara ula dar-daarmay  dadweynaha gobolka Awdal waxaanu  u sheegay in looga baahan yahay reer Awdal in ay dareensanaadaan qadarinta iyo xushmadda aadka u weyn ee ay dadka goboladda kale ee Somaliland u hayaan Boorama.

Waxyaabahaasi oo ay ka mid tahay in lagu tilmaamo xarunta gobolka Awdal ee Boorama hooyaddii dhismaha Somaliland, gobolkii aqoonta iyo kuwo kaloo amaan u ah gobolka Awdal.

Saleebaan Cali Koore, ayaa sidoo kale waxa uu si weyn uga sheekeeyay taariikhda iyo halgamadii kala duwanaa loo soo maray xornimadii Somaliland xiligii uu haystay isticmaarkii Ingiriiska iyo qiimaha ay maalintani u leedahay Somaliland.

Daawo:Hadalkii Wasiir Koore:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here