Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Deeq Gaadhsiisay Qoyskii Ay Ka Baxeen Labada Caruur Ah

0
1119

Hargeisa (Hargeisa Press) – Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee Wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif, ayaa maanta booqatay Qoyskii ay dhowaan ka baxeen laba Caruur ah oo ku dhintay dab ka kacay Gurigooda oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda Shaqo gelinta, ayaa Qoyskaasi waxa ay gaadhsiiysay Deeq kala duwan oo isugu jirta Raashin, Lacag iyo alaabooyin kale, waxaanay Qoskaasi ka tacsiyadaysay masiibada ku timid.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif oo ka hadashay Deeqdan ay ka wasaarad ahaan ay gaadhsiiyeen Qoyskaasi ay ka baxeen laba Caruur ahi, ayaa baaq u dirtay Hooyooyinka dalka, iyadoona ugu baaqday in Caruurta aanay guryaha dusha kaga xidhin maadaama aanay is badbaadin karin marka ay arrintan oo kale ku timaado.

Agaasime Filsan Xuseen Khaliif, ayaa sidoo kale fariin u dirtay dadka muxsiniinta ah iyo hay’addaha samafalka, kuwa maxaliga ah iyo Ganacsatada, waxaanay ugu baaqday inay soo caawiyaan Qoyskan.

Geesta kale, Qoyskan ay ka baxeen laba Caruur ah, ayaa Wasaaradda Shaqo Gelinta uga mahadnaqay Deeqdan ay ka wasaarad ahaan soo gaadhsiiyeen iyo sida ay u soo xasuusteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here