Hargeisa (Hargeisa Press) – Sheekh Maxammed Sheekh Cumar Dirir, oo kamid ah culimada waa weyn ee Somaliland, ayaa saaka si hagar la’aan ah uga qayb qaatay ollole lagu nadiifinayay Dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa.
Sheekh Maxammed Sheekh Cumar Dirir oo ka hadlay ollolahan lagu nadiifinayo Dooxa magaaladda Hargeysa, ayaa ka waramay halka ay Diintu iska taagtay nadaafada.
“In aad maal bixiso waxa lamid ah in aad dariiqa nadiifiso, oo waa saqado, Nabigu wuxuu yidhi wadada oo la xaadho waa saqado” ayuu yidhi Sheekh Maxammed Sheekh Cumar Dirir.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir, ayaa Culimada dalka ugu baaqay in ay qayb ka qaatan olole kasta oo lagu nadiifinaayo dalka.
”Sheekhu maaha in misaajid nadiifa iyo goob nadiifa uun uu suge waa inuu doorkiisa ka qaataa, waana mahadsan yihin maamulka dawladda hoose “. ayuu yidhi Sheekhu.