Wasaaradda Madaxtooyadda Oo Kaalin Weyn Ka Qaadatay Maalinta Ololaha Nadaafadda iyada oo ay hogaaminayaan Masuuliyiintoodu.+ SAWIRRO

0
969

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maalinta ololaha nadaafadda oo ku beegnayd maanta oo ay taariikhdutahay 7 April 2015 ayaa waxaa si weynuga qayb qaatay shaqaalaha madaxtooyadda qaybaheeda kala duwan, ku waas oo ka hawl galay shanta degmo ee caasimadda gobolka Maroodi-jeex.

MADAX

Wasiirka madaxtooyadda, wasiirudawlaha madaxtooyadda, agaasimaha guud, agaasimaha shaqaalaha, agaasimaha xisaabaadka, madaxa baratokoolka iyo qaybaha kala duwan ee shaqaalaha ayaa saaka subaxii hore kuwaaberiistay xaafadaha magaalada iyo suuqyada, iyagoo barbilow u ahaa ololaha nadaafadda ee saaka laga hirgeliyey degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed dhagax, Gacan libaax, Ibraahim koodbuur iyo 26 June.

WAS MADAX 3

Wasiirka madaxtooyadda mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa shacabka xaafada Dumbuluq kalaq aybgalay ololaha lagu nadiifinaayo magaalada Hargeysa, waxaanu saaka gacantiisa ulatagay ururinta qashinka, waxaa wasiirka ka garabshaqaynaayey Wasiiru-dawalaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Guud e Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar, Agaasimaha Maamulka shaqaalaha, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane Cali Axmed Cali, Agaasimaha Waaxda Baratakoolka Mudane Cabdiraxmaan Saqadhiiyo  shaqaalaha madaxtooyadda oo ka hawl galaysay nawaaxiga Dumbuluq.

WAS MADAX 2

Dadweynaha xaafadda Dumbuluq ayaa markii ay arkeen wasiirka iyo shaqaalaha madaxtoooyadda ayaa dhankooda qayb lixaad ka qaatay ololaha nadaafada, waxaanay bilaabeen inay shaqada la qaybsadaan oo ay xaadhaan wadooyinka iyo xaafaddaha hortooda.

Maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyadda ayaa agabka nadiifiinta la tagay goobaha ay ka hawlgalayeen, gaarahaana halka ay saaka ka bilaabeen, halka dadweynaha qaarkoodna la soobaxeen wixii ay haysteen qalabka lagu nadiifiyo wadooyinka, iyagoo hees hawleedyo ku ladhaayey shaqadda.

WAS MADAX

Wasiir Xirsi oo warbaahinta kula hadlaayey goobta ay nadiifinaayeen ayaa ka warbixiyey maanta qiimaha ay u leedahay reer Somaliland “halkani maanta waa ololihii, halka naynu ka bilawnay, wasaaradii madaxtooyada halkan ayaan kabilawnay, wasaaradihii iyo waaxyaha dawladda saaka waxaa loo qaybiyey in qoloba meelka bilawday, waxaa loogu jira olole sidii loo nadaafadin lahaa ee qashinka iyo xashiishka looga nadaafadayn lahaa dalka, qofkastana waa kuwaajib,

Waxaanu leenahay qofwalawba gurigaaga iyo inta kugudhaw bane, dawladdaha hoosena waa shaqadoodii oo way ku hawlanyihiin sidii ay uga shaqayn lahaayeen, dawladda dhexena way caawinaysaa oo madaxweynaha ayaaa mar soosaaray in dhamaan dalka oodhan, balse caasimada oo jaanis u heshay hay’adii dawladda u badnaa inay shaqeeyaan ayey wasaaraddii madaxtooyadu halkan joogtaa, maayar ku xigeenkii iyos haqalihiisii ayaanu ugunimi si aanu hawshan dacalada u qabano sifiican ayey u socotaa”

WAS M

Wasiirka madaxtooyadda  Somaliland ayaa baaq u soo jeediyey guudahaan shacabka Somaliland meelkastoo ay joogaan “Waxaandhamaan muwaadiniinta reer Somaliland leeyahay idinka oo isku duuban qofwalawba ku dadaal sidii aad nadaafada uga qaybqaadan lahayd, nadaafadu caafimaadka waa ka badh, diintana waa ka badh.Waxaanu leenahay qofwalawba caafimaadka iyo noloshaada adiga oo u danaynaya oo aan cidgaara u danaynay gal, dacaayad malaha, iska weynayn malaha, waa waxeenii yo dalkeenii, qofkastaaba isagoo u tudhayaa dalkiisa iyo dadkiisa ha bilaabo oo halka uu joogo ha ka bilaabo.

Dadka suuqyada iyo guryaha jooga waxaan leeyahay halkaad joogtaanka bilaaba, maaha waxa cidgaar ahi leedahay oo lagu eegaayo, waxaana dhamaanteen laynoo igmaday ilaalinta dalkeena, caafimaadkeena iyo nolosheena”.Sidaasna waxaa hadalkiisa ku sookoobay wasiirka madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali X Xasan””

MADAX 34

Geesta kale wasiiru-dawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo shaqaale uu hogaaminaayo ayaa ka dhexmuuqday ururinta qashinka, gaar  ahaana nawaaxiga dugsiga caanka ah ee MaxamuudAxmed Cali,

Iyagoo nadiifiyey gabi ahaan meelaha biyo mareenka ah iyo goobihii hore loo dhigijiray qashinka.Agaasimaha guud ee madaxtooyadda iyo agaasimaha shaqaalaha ayaa iyaguna kaalintooda ka qaatay maalinta ololaha nadaafada,

Waxaanay saaka kala qaybqaateen shacab weynaha xaafada Maxamed Mooge, gaar ahaana xaafadda Star iyo jungalka. Waxaa sidoo kale ka dhexmuuqday dadweynaha xaafada oo la shaqaynaayey agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wassaradda madaxtooyada.

MADAX 44

Sidoo kale shaqaalaha madaxtooyadda ayaa lagu arkaayey degmooyin kala duwan, sida 26 June, Axmed Dhagax, 31 May,Gacanlibaaxi yoMaxamuud Haybe.

Ugu danbayntii madaxweynaha Somaliland ayaa goobahaas kaladuwan ku soomaray kormeer uu ugu kuur galaayo sida dadweynaha caasimaddu maanta uga qaybqaateen ololaha nadaafadda ee qaranka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here