Wasaaradda Duulista Oo Faahfaahisay Qaad Yurub Loo Waday Oo Madaarada Dalka Lagu qabtay

0
708

Hargeisa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Duulista iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland ayaa sheegtay inay Madaarada dalka ku qabatay Qaad Ganacsi oo si Sharci daro ah loogu dhoofinayay wadamada Yurub. Qaadka waxaa sitay sida Wasaaraddu sheegtay dad u dhoofayay wadamo ay ka soo xagaa baxeen.
“Hawlwadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Dhenmaarik. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Duulista.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Madaarada dalka ay mamnuuc ka yihiin in Qaad laga dhoofiyo “Waxaanu uga digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.” Ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here