Wasaaradda Deegaanka oo Bilawday Wacyigelin Ku Saabsan Ilaalinta Deegaanka

0
720

Sheekh (Hargeisa Press)- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa maalmahan ba qaar ka mida gobolada dalka ka waday wacyi gelin ku saabsan ilaaliqnta degaanka.

Wacyigelintaasi ayay maalintii shalay wasaaradu ka bilawday gobolka Awdal, halka ay maantana wacyigelintaasi ka fulisay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Degaanka ee wasaaradaasi Aadan Axmed Xasan, iyo xubno kaloo wasaaradaasi ka tirsan ayaa giboladda dalka qaarkood la fuliyay wacyigelintaasi.

Waxaana agaasimaha wacyigelintaasi ku wehelinayay iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda iyo Maamulaha Dagmada Sheekh ee easaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa maanta Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ku qabtay wacyigelin ku saabsan Ilaalinta Degaanka iyo saamaynta isbedelka Cimiladu ku leedahay guud ahaan Somaliland.

Wacyigelintaasi ayaana lagu qabtay Hoolka dawlada hoose ee degmadda Sheekh iyo jaamacada Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ee IGAD( IGAD sheekh technical veterinary and Agriculture University).

Waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta dawlada hoose oo ay ka mid yihiin maayarka dagmada sheekh iyo qaarka mid ah golaha Degaanka degmada Sheekh.

Kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey wacyigelinta ay wado wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland.

Geesta kale wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa shalay wacyigelinta bulshadda ee ilaalinta degaanka waxay ka fulisay gobolka Awdal.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here