Wasaaradda Deegaanka JSL iyo CCF Oo Iska Kaashanaya Joojinta Ka Ganacsiga Harimacadka

0
357

Hargaysa (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL iyo haayadda CCF ayaa wada jir u qabtay shir ku saabsan joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

Kulankaasi oo lagu qabtay magaaladda ahargaysa waxaa ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha haayadda CCF, safiirka Taiwan, u fadhiya Hargaysa.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka, socday haayadda maxaliga ah ee Candlelight, iyo marti kale.


Waxaana shirkaasi lagu daahfuray laba mashruuc wax ka taraya joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.

Labadan mashruuc ayaana kala ah FWS iyo LICIT2, kuwaasoo qayb ka ah qorsheyaasha la doonaya in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darada ah ee duur joogta, gaar ahaana Harimacadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa ka warbixiyay labadan mashruuc iyo u jeedadda laga leeyahay ee la dagaalanka ka dhanka ah joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

Waxaanu sheegay agaasimuhu in wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF ay dhawr sano ka hor wada galeen heshiis ku saabsan wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.

DAAWO: Hadalkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here