Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qalab Gaadhsiisay Degmadda Xudun

0
800

Xudun (HP): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool ahna guddoomiyaha guddiga ka hor taga Covid-19 ee gobolka Sool ayaa maanta degmadda Xudun ee gobolka Sool gaadhsiisay qalabka lagaga hor tegayo caabuqa Coronavirus.

Waxaana qalabkaasi wada jir u gaadhsiiyay degmadda Xudun wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adda ARC.

Qalabkaasi ayaanay gaadhsiiyeen xarunta loogu tallo galay in lagu karantiilo dadka laga helo xanuunka Covid-19.

Maayarka degmadda Xudun Faarax Cali Ibraahim, ayaa isu-duwaha wasaaradda caafimaadk ee Sool  uga mahad celiyay qalabkan uu soo gaadhsiiyay.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here