Wasaarada Duulista Oo Maanta Bulshada Somaliland u Iftiimisay Qalabka “ICAO” Somaliya Siisay Waxa uu Yahay, Iyo In Aanay Jirin Hawo Lagu Wareejiyey

0
733

“Qalabka Saadaasha Hawada ((Metrology) ee la geeyay Muqdisho, waa Qalab loogu talo galay Saadasha Hawada iyo Cimilada, Qalabkan mid la midhina waxa uu u soo socda oo la keenayaa Madaarada Somaliland ee  Hargaysa iyo Berbera dhawaan,” Wasiir Axmed N Faahiye

 

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirudawlaha Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Axmed Nuur Faahiye ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu ku beeniyey in aanay jirin Qalab Hawada Guud ee Somaliya lagula wareego oo la siiyey Wadanka aynu jaarka nahay ee Soamliya, balse waxa jira buuyidhi  Qalab loogu talo galay la socodka Saadasha Hawada (Metrology) oo ay siisay “ICAO” Madaarada Soamaliland ay u soo wado, Wasiirku isaga oo Arimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi:-

 

“ Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalliya waxaa laga maamulaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyada oo la soo Wareejin doono marka Somaliland iyo Somaliya Heshiis ka wada gaadhaan arintaas, Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi, sida ay cadaysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan Hawada “ICAO”, hal dhinac oo kaliya laguma wareejin karo Hawada, maadama laga hortagayo khalkhal amni iyo in ay carqaladi timaado, Qaramada Midoobay, Dalalka Jaarka ah iyo Aduunwenuhuba waxay doonayaan in Hawada Somaliland iyo Somaliya ay noqoto mid nabad ah oo la isku halayan karo, taasina waxay ku imanaysaa heshiis laba geesood ah oo ay wada gaadhaan labada Dawladood, kumana imanayso in hal dhinac isku koobo Maamulka Hawada.”

00f55118-be16-4f2a-9d21-ad58f5c76678

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinaaya Qalabka la geeyay Somaliya ee ay geysay “ICAO” ayaa waxa uu yidhi:- “ Qalabka Saadaasha Hawada ((Metrology) ee la geeyay Muqdisho, waa Qalab loogu talo galay Saadasha Hawada iyo Cimilada, Qalabkan mid la midhina waxa uu u soo socda oo la keenayaa Madaarada Somaliland ee  Hargaysa iyo Berbera dhawaan, waana qalab caawinya hawalaha Shaqada ( Operation ) ee  Madaarada Guud ahaan.”

 

Wasiirku waxa uu fariin u diray Warbaahinta Somaliland, waxana uu yidhi:- “Warbaahinta Somaliland waxaanu u sheegaynaa in ay ka waantoobaan fidinta iyo faafinta Wararka ka dhanka ah Qaranimada Somaliland ee ka soo yeedha Masuuliyiinta Somaliya iyaga oo aan hubsan, waana in ay ku shaqeeyaan dareen Wadaniyadeed, sidaa ayuu yidhi Wasiirudawle Axmed N Faahiye

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here