Wareejinta Qabriga Sulaymaan Shaah Oo Xiisad Ka Dhex Abuurtay Turkiga iyo Suuriya

0
854

Ankara, (HargeisaPress) —Xiisad siyaasadeed ayaa soo kala dhex gashay wadamada Turkiga iyo Suuriya kadib markii Militariga Turkigu hawlgal ka fuliyay Gudaha Suuriya. Hawlgalka ayaa ku saabsanaa Qabriga Suleyman Shah, oo ahaa awoowgii Aasaasihii Boqortooyaddii Turkiga Ottoman Sultan oo laga soo raray Gudaha Suuriya loona talaabiyay dhanka Turkiga. Kolanyo Ciidamada Turkiga ah ayaa Gudaha Suuriya ka soo raray Qabrigaasi iyo Ciidamo Ilaalin jiray kadib markii Turkiga ay soo food saartay cabsi ah in Kooxda Daacish qabsato Qabriga kadib markii ay meelahaasi ka ag dhawaadeen.

Waxaa jiray heshiis hore oo dhigayay in Qabrigan oo ku yaala Waqooyiga Suuriya, meel gudaha Suuriya ah ilaa 30Km inay tahay Dhul madaxbanaan oo Turkigu leeyahay, halkaasi oo Ciidamo sodomeeyo ah oo Turki ahi ku ilaalin jireen Qabriga Sulaymaan Shaah.

Dawladda Suuriya ayaa sheegtay in Turkigu ku soo wargaliyay inuu hawlgalkaasi fulinayo balse aanu wax jawaab ah ka sugin Dawladda Suuriya, sidaas darteedna ay u arkaan gardaro caddaan ah falkan “Turkigu wuxuu ka talaabay Xuduudka Suuriya isagoo taageeraya  Budhcadda Argagixisada ah ee ISIS iyo Jabhadda Al-nusra si uu u bilaabo Gardaro Caddaan ah oo Suuriya ka dhan ah” ayaa lagu sheegay war laga baahiyay Telefishanka dawladda Suuriya.

Ahmet Davutoglu, Ra’isal Wasaaraha Turkiga, ayaa sheegay in Militarigoodu ku guulaystay inay si nabad ah uga soo saaraan halkaasi Qabriga islamarkaana si nabad ah ku soo laabteen “Dawladda Turkiga ayaa talaabadan qaaday, iyadoo raacaysa Sharciga Caalamiga ah, islamarkaana aan cidnaba waydiisanayn wax Ogolaansho iyo Caawimo ah” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Turkigu.

Hawlgalka waxaa ka qayb qaatay 100 Gaadiidka Militariga ah, 39 Tangi iyo iyo Drones dul heehaabayay Agagaarka Xadka labada dal u dhexeeya.

Qabriga Sulaymaan Shaah, waxaa loo wareejinayaa Agagaarka Xuduudka ee dhinaca Turkiga oo uu maamulo Militariga Dalka Turkiga, sida uu sheegay Ra’isal wasaaruhu.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here