Warbixin ku Saabsan Hubka la geeyo Qaaradda Afrika iyo Dalalka laga Keeno

0
981

HargeisaPress — Warbixin cusub oo ku saabsan colaadda Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa muujinaysa sida hubka laga sameeyo caalamka uu u gaaray ama loo gaarsiiyey xoogga falaagada ka dagaalanta dalkaasi.

Warbixintan waxaa diyaarisay hay’adda cilmi baarista Conflict Armament Research oo laga leeyahay dalka Britain, iyadoo warbixinta kasoo saartay baaritaankeedii hubka kala duwan ee la geeyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Bambo gacmeed laga soo saameyey waddamada Bulgeria, Rasaas laga soo sameeyay dalka Britain, hoobiyayaal laga soo saaray Shiinaha iyo qoriga daran-dooriga u dhaca oo laga soo saaray warshadaha dalka Suudaan ayaa lagu sheegay warbixinta inay si joogto ah dalkaas u gaaraan.

Dhammaan hubkan ayaa siyaabo kala duwan lagu gaarsiiyaan dalkaas, iyadoo la sheegay in gacanta fallaagada Seleka ee dalkaas ka dagaalanta Jamhuuriyada bartamaha Afrika ayuu gacanta u galaan, sida warbixinta lagu sheegay.

Hubkan oo qaar ka mid ah lasoo xaday, qaar kalana si qarsoodi loo geeyay wadankaas ayaa wuxuu sii hurinayay colaada oo labadii sano ee ugu dambeysay burburisay waddankaas oo dhan.

Haddaba baaritaanka ay sameysay hay’ada Conflict Armament Research oo u shaqenaysay Midowga Yurub ayaa muujinaya sida qoryaha laga soo sameeyey dalalka Shiinaha iyo Iran oo lagu daray dalka Suudaan.

Kaddib waxaa la sheegayaa in qoryahaas dib loo habeeyay, kadidbna diyaarad lagu qaaday gacantana loo geliyey dagaalyahanada muslimka ah ee Seleka kuwaasoo barakiciyey dad rayid ah oo kumannaan qof gaaraya.

Walaaca la muujinayo ayaa wuxuu yahay in arrintan mid sharci-daro ah una muuqata inay tahay mid aanan la joojin karin. Hubkan Jamhuuriyada Afrikada dhexe ku qulqulaya ayaa wuxuu gacan ka geysanayaa in xasillooni-darradu ku fida dalkaas sida dalalka ay ka mid yihiin; Nigeria, Cameroon iyo Koonfurta Sudan.

 

Source: BBC

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here