wararkii ugu dambeeyay ee xasuuqa dadka reer jaamac dubad iyo dad dhaawac ah oo iiga waramay qaabkii wax u dhaceen

0
1166

BURCO , (HargeisaPress) —wararkii ugu dambeeyay  deegaanka Gaashaamo oo ku teedsan xuduudka Itoobiya ayaa sheegay inay ciidanka federaalka ah ee Itoobiya iyo ciidamada Liyuu Booliska oo wada jiraa xasuuq ba’an u gaysteen dadka ku dhaqan.xanuun

deeganka Jaamac Dubad oo jihada bari kaga toosan degmada Gaashaamo.

Xasuuqaas ay ciidamada Itoobiya gaysteen ayaa waxa ku dhintay dad kor u dhaafaya 41 qof oo rayid ah kuwaasoo isugu jira carruur, maati iyo Haween oo magaalada dhexdeeda lagu laayay.

Guddoomiyaha degmada Biyo Xidheen oo aad ugu dhaw goobta xasuuqani ka dhacay Axmed Xariir ayaa wargayska Somalilandtoday uga waramay qaabka uu dagaalku u bilaabmay, dadka ku dhintay iyo xaaladdu sida ay tahay. waxaana uu Axmed Xariir uu hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya sida ay wax u dhaceen:

“Walaal dagaalkaasi sida aad maqasheen wuu dhacay, meeshana xasuuq ba’an iyo axmaqnimo ayaa ka dhacay, sida au wax u dhaceen waxa weeye ciidanka Itoobiya ayaa qabtay gawaadhi qaad dabadeedna nimankii qaadka ayaa baabuurtii jidka u galay oo yar rasaaseeyey, intaas ka dib nimankii way kala yaaceen ciidankii magaalada ayay soo galeen dadkii ayay laayeen iyagoo aan u kala aabo yeelin dumar iyo carruurba. Shalay (doraad) galinkii dambe iyadoo cid war ka haysaa aanay jirin ayay ciidankii tageen tuulada Gorgor halkaas oo ay odayaal ka soo qaadeen oo ay ku yidhaahdeen kaalaya oo maydkiina aasta, tirada dadka dhintayna waxay ku sheegeen 41 qof oo ay yidhaahdeen wixii kalena waanu baadhaynaa, xasuuqaas ayaa dhacay sidoo kale dadkii masaajidka magaalada galay oo dumar iyo carruur ubadnaa ayaa masjidka dhexdiisii lagu xasuuqay oo aan midh laga reebin”. ayuu yidhi Axmed Xariir oo ah guddoomiyaha Biyo xidheen oo ay isku dhaw yihiin tuulada Jaamac Dubad ee dagaalku ka dhacay.

mar aanu wax ka waydiinay sida ay xaaaladaasi uga fal-celisay xukuumadda Somaliland ayuu guddoomiyaha degmada Biyo xidheen sheegay inay warbixinta hadda uun u gudbiyeen maamulka gobolka Togdheer ayna filayaan inay ka soo jawaabaan.

qaar kamida dadka kunool deegaankaas oo aan laxidhiidhay ayaa iigu waramay sidan

Waxaana ay dadkani no sheegeen in  dad badan ay halkaa ku dhintee isla markaana aan ilaa hada la garanayn sababta ay dadka u laayeen ciidamadu .

Dadkan oo naga codsaday inaan magacyadooda la shegin ayaa nooga waramay qaabka uu xasuuqu u dhacay waxaana ay oda kamid ah dadka dhawacmay uu noogu bilaabay hadalkisi sida tan

“Anigoo meherad iska fadhiya oo marka magaalada soo galay  ayay rasaasta il soo dul istaageen ciidamadu dabadeed carar baan is idhi,walaahay wuxu ahaa xasuuq xun dad badana goobta way ku dhinteen mana qiyaasi karo aniga ilaahay ayaa iga duwayoo bowyada ayaa I jaban ta kalena waa dilaac kolay anigu war kama hayo waxa uu ku bilowmaye ciidamada oo rasaas soo furay iyo anoo ila kulantay Ayaan ku war helaya, mana garanyno sababta dadka loo layaya”Sidaas ayu hadalkiisa kusoo koobay mid kmida odayaasha dhaawacu soo gaadheen oo ramaasnews u waramay nagana codsaday inaan magaciisa la baahin xaalad amni awgeed.

Dhanka kale mid kamida isna dadka ku dhaawacmay xasuuqa oo xaladiisa caafimaad lagula tacaalayo cusbitaal ku yaala degmada gaashaamoo ayaa noo waramay waxaan uu ku bilaabay isna sida tan.

“Aniga anoo masaajidka ku jira oo tukanaya ayay ciidamadu soo galeen oo habiyayaal nala dhaceen oo nagu garaceen, aniga oo markaa ragcad tukaday ayay xabad igu dhufteen markaa markii waxi ka yaceen oo dabada u yaceen Ayaa markan kacay is idhi xeramkii “Meeshi Qudbd” Gal, markii aan kidinka ka galay ee aanan gees u weecan ayay igu dhacday rasaastu, nin il socday taahiisa ayay maqlayayoo isagan malaa markaa u baxay ayay ku dhacday dee ila xalay ila saaka wax dhaqdhaqaaqa iima iman, aniga oo jiifa oo intaan badhida kusoo guurguurtay imi ayay qof dumara ii timi oo ay tidhi waar ninkan caawiya oo daweeya rasaast ayaa ku taalee”Sidaas ayu hadalkiisa kusoo koobay oday wayn oo kamid dadkii xasuuqa loo gaystay.

SI kasteba ha ahaatee xasuuqan xun ee ay geesteen ciidamada dawlada itoobiya ayaa ah mid aad u badashay dareenka bulshada iyada oo aan ila hada la garanayn sababta loo laayay dadkan iskugu jira rag,dumar iyo caruur yaryar oo iyagu ku noolaa deegaanka jaamac dubad oo dhanka bari ka xigta degmada gaashaamo.

hargeisa press

burco office 

wariye sekeriye cabdiraxmaan ibraahin {samokuwaar}

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here