Wararkii U Dambeeyey Ee Xaaladda Bariga Sanaag, Xaaladda Ka Taagan Ee Maamulkii Lagaga Dhawaaqay Iyo Fadhiisimaha Kooxda Daacish Ceelaayo Dusheeda

0
1093

 

Burco, (HargeisaPress) —Bariga Sanaag ee Gobolka Badhan oo muddooyinkii u dambeeyey ay ka taagnaayeen xaalado kala duwan, ayaa wararka ay ka helayso shebekadda hargeisapress ay sheegayaan in ay jiraan qorsheyaal iska soo hor jeedda ay wadaan Xukuumadda Somaliland iyo kooxda maamulka kaga dhawaaqday halkaasi.

Xukuumadda Somaliland, ayaa la aaminsan yahay in ay waddo qorsho ay ku doonayso in ay deegaamadaasi bariga sanaag ee lagaga dhawaaqay maamulka ay awood saarto, isla markaana ay u dirto ciidan millatri ah oo kala erya kooxdaasi ama gacanta ku soo dhiga.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, balse wararka shekedda hargeisapress ka helayso, ayaa sheegaya in ay jiraan qorsheyaashaasi oo la filayo in ay dhowaan hawl gallo ciidan ka fulin doonaan millateriga Somaliland bariga sanaag si ay uga sifeeyaan kooxda maamulka kaga dhawaaqday iyo ururada Daacish iyo Al-shabaab oo la sheegay in ay ku soo dhawaadeen deegaamadaasi.

Dhinaca Kale kooxda maamulka kaga dhawaaqday Badhan oo taageero ka helaysa dawladda federaalka ah ee Somalia, ayaa qorshaynaysa sidii ay deegaamadaasi ugu sii fiin lahaayeen mabda;a ay aaminsan yihiin, iyaga oo maalmihii u dameeyey waday kulamo joogto ah oo ay la yeelanayeen wax garadka deegaamadaasi oo ay qaarkood si cad ugu sheegeen in aanay ogolayn waxa ay wadaan.

Sidoo kale deegaamo ka tirsan bariga sanaag gaar ahaan deegaanka Laasqoray ee ceelaayo oo dhinaca bari kaga began illaa 54 KM , ayaa waxa la sheegay in ay soo galeen oo ay fadhiisimo ka samaysteen kooxda Daacish ee aaminsan mabda’a ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo ay dadka deegaamadaasi hore u sheegeen in ay dagaal la gelayaan ka dib kulan ay odayaasha deegaamadaasi la yeesheen kooxdaasi oo ay ku kala keceen iskuna fahmi waayeen.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Somaliland, ayaa khudbadiisii 18 May waxa uu ku sheegay in wada xaajood ku dhamaynayaan arrinta ka taagan bariga sanaag iyo sool-ba, iyada oo ay jiraan masuuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda deegaamadaasi oo ka mid ah wasiirada ugu tunka weyn xukuumadda balse aan wax saamayn ah ku lahayn deegaamadooda oo ay kaga awood bateen kooxda yare e maamulka kaga dhawaaqay, waxaana ka mid ah wasiirka difaaca Somaliland oo deegaankiisa arintani ka dhacday.

Wariye sakariye cabdiraxmaan ibraahin

HargeisaPress News Desk — Burco office

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here