Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco Ayaa Majoorati Ahaan Raba Inay Isbadal Ku Sameeyaan Maamulka Sare Taas Oo Ay Sheegeen Inay Ay Tahay Lagama Maarman In La Badalo Maayir Muraad.

0
1167

Burco, (HargeisaPress) — Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco Ayaa Majoorati Ahaan Raba Inay Isbadal Ku Sameeyaan Maamulka Sare Taas Oo Ay Sheegeen Inay Ay Tahay Lagama Maarman In La Badalo Maayir Muraad.

Waraysi Aanu La Yeelanay Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Goleha Deegaanka Burco Ayaa Noo Xaqiijiyay In Uu Mooshin Degdega Oo Ay Xilka Kaga Xayuubinayaan Maayirka Burco.

Xildhibaan Cali Bare Oo Ah Nin Waayo Arag Ah Dhawaana Badal Ku Yimi Golaha Deegaanka Burco Ayaa Waraysi Kooban Siiyay Shebkeda Wararka hargeisapress Media Group.Isagoo Sheegay In Shacabka Reer Burco Waxqabad U Baahan Yihiin Lagama Maarmaana Tahay Isbadal Lagu Sameeyo Hogaanka Xildhibaanada.

Waxaa La Diyaariyay Badalka Maayirka Burco Badali Lahaa Kaas Oo Ah Xildhibaan Saciid Axmed Maxamed Raage Oo Dhawaan Qafaalasho Lagula Kacay.

Si Kastaba Ha Ahaate Waxaa Jirta Cabasho Fara Badan Oo Ka Soo Baxaysa Shacabka Reer Togdheer Oo U Baahan In Dawlada Hoose Burco Wax U Qabato Bulshada.

Xildhibaanada Degmada Burco Ayaa 4 Sanadood Oo Gaw Ah Dhamaystay Mana Jirto Waxqabad Lagu Xasuusto Oo Ay Ka Tagi Doonaan Marka Laga Reebo Musuqmaasuq Iyo Hanti Ay Ka Samaysteen Cashuurtii Umada Masaakinta Ah.

Wariye sakariye cabdiraxmaan ibraahin

HargeisaPress News Desk — Burco office

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here