WAR-SAXAAFADEED: Bilowga Dhuumaha cusub ee Mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa + SAWIRRO

0
888

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladda Somaliland, Ururka Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxay halkan ku dhagax-dhigayaan maanta bilowga dhigista dhuumaha (beebka) cusub ee mashruuca biyo baalladhinta Caasimadda Hargeysa oo dhan 23KM oo ka soo bilaabmaya Geed-Deeble. Iyadoo dhammaadka mashruucan la rajaynayo inay kordhi doonaan biyaha caasimadda Hargeysa, korna u qaadi doonta helitaanka biyaha iyo in si siman loo helo nidaamka qaybintooda.

Maareyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa
Maareyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

 

Mashruuca Biyo Ballaadhinta Hargeysa waxa si wadajir ah u maalgalinaya Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo siday u kala horreeyaan u bixiyey lacag dhan 15 milyan Uuro iyo $8.6 dollar. Waxaanna fulinaya hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasaradda Biyaha.

Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa 5

Mashruucu waxa uu ka koobanyahay

  1. Qaybta dhigida beebka cusub oo ah 600mm lagan soo qaadayo geed –deeble ill barkada kaydka ee hargiesa oo dhererkeedu noqonayo 23 Km
  2. Dhisida Barkada kaydka iyo kaamka wayn ee laga hirgalinayo geed-deeble
  3. Qodidia Afar ceel biyood oo dhaadheer oo hoos loo qodayo 180m lagana qodoyo Degaanada ku xeeran Daarasalaam sida hora-hadley
  4. Dhigida dhuumaha cusub oo isku xidhi doona Ceelasha Cusub ee Daarasalaam iyo Agaagaarkeeda laga hirgalinayo iyo Geed-deeble

Dhuumahan cusub ee lagu beddelayo beebkii hore oo jiray 40 sannadood, waa kuwa  leh tayo aad u sarraysa, taas oo kor u qaadi doonta biyo-soo-saarka. Dhuumaha cusub ee biyaha oo lagu daro kaamka biyo-soo-tuurka cusub ee Geed-deeble oo la dhisayo 12-ka bilood ee soo socda,

12049510_10153593731490610_3855895554887164896_n

Ujeeddada guud ee Mashruucani waxa weeye sidii loo horumarinta lahaa helitaanka biyo nadiifa oo qiimo jaban ah oo ay ku noolaadaan dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaaladda Hargeysa, iyadoo la ballaadhinayo biyaha la cabbo ee ilaha hore u jiray iyo fursadaha shaqo abuurka. Helitaanka biyo loo qaybiyo oo ku filan bulshadu waa aasaaska mudnaanta leh, si loo abuuro fursado kor loogu qaadayo dhaqaalaha bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ta shakhsi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here