Wajigii Labaad Ee Wada Hadalkii Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Uga Furmay Dalka Djibouti Oo Si Habsami Leh U Socda Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Halka Ay Wax Marayaan + SAWIRRO

0
1054
gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah horjoogaha kooxda Khaatumo PHOTO FILE

Djibouti,(HargeisaPress) —Waxa maalintii labaad si habsami leh magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti uga socda wajigii labaad ee wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo kaas oo sida la sheegay maalinkii salaasadii si rasmi ah uga furmay magaalada Jabuuti.

Wada hadalkan ayaa waxa isku hor fadhiya Lix xubnood oo saddex xubnood ay ka socdaan dawlada Somaliland,waxaana hogaaminayey wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire balse wararka ayaa hadda sheegaya inuu u dhoofay dalka Itoobiya,waxaana wada hadaladan dhanka Somaliland hadda hogaaminaya gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, halka saddexda xubnood ee kalena ay ka socdaan kooxda Khaatumo oo uu hogaaminayo horjoogaha kooxdaasi Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Wada hadalkan ayaa waxa labada dhinacba ay kaga wada  hadli doonaan arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dagaalada khasaaraha badan sababay ee sida is daba jooga ah uga dhacaya gobolada bariga Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo bogga uu ku leeyahay barta ay bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga ku baahiyey qoraal kooban ayaa ka dhawaajiyey in wada hadaladu ay wakhti xaadirkan marayaan meel fiican,bulshada Somaliland uu u rajaynayo guul iyo midnimo waarta.

Gabagabadiina bulshada Somaliland ayaa iyagu u wada dhag taagaya natiijada kasoo baxda wada hadalkan dalka Djibouti uga bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here