Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashadii Shalay Ka Dhacday Dalka Somaliya Fariin Adagna U Dirtay Madaxwaynaha Cusub

0
781

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxtooyada Somaliland ayaa goordhawayd ka hadashay doorashadii shalay ka dhacday dalka somaliya isla markaana madaxwaynaha loogu doortay mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,waxana ay fariin u dirtay madaxtooyada madaxwaynahaasi cusub.

Wars-saxafaadeedkan kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxa akhrinayey afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho iyo xal waara oo loo helo arrinta murugada leh ee ka jirta Soomaaliya.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here