Wadahadalkii Somaliland Iyo Soomaaliya Ayuun Bay Muqdisho Qalad U Fahamtay! By: Mohamed Hagi Mohamoud

0
1033
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

“Velvet Divorce” waa ammuur siyaasaddeed iyo hab dalalka kala baxayaa ay raacaan oo ah ka ugu nabdoon.

 

Tusaalaha ugu wanaagsan waxa lagu soo qaataa sidii ay nidaamkan “velvet divorce” ugu kala baxeen dalkii hore loo odhan jiray Czechoslovakia, oo hadda ah labada waddan ee Czech iyo Slovakia.

 

Habkan xasillan ee nabadda iyo is af-garashada ku qotama waa mid markii dambe dalal fara badani ka leexdeen oo ay raaci waayeen sida Ethiopia vs Eritrea iyo Sudan vs South Sudan. Waana kuwii aakhirkii markii ay kala baxeen ka dib madaxa isla galay.

 

Habka kala bixistu waxa uu ku bilaabmaa wadahadal walaalnimo ah, oo marka hore la isla meel dhigayo wax wal oo la wada qabsan karo.

 

Tusaale ahaan, sida looga wada faa’ideysanayo suuq ganacsi oo isku furan, amniga oo la wada ilaashado, siyaasadda oo la isku gargaaro iyo dadka oo walaalnimadooda iyo wax isku ahaanshiya-hooda la dhawro.

 

Ka dib marka intaas oo dhan, meel la isla dhigo, ayey kala bixista dawladnimadu bilaabmaysaa. Runtaa sidaa ayey ahayd, in ay Soomaaliya wadahadalka ujeedadiisa u fahamto.

 

Nasiib-darro se si gurac ah oo in dunida been loo sheeggo ah ayey u fahmeen cid wal oo wadahadalka dhanka Soomaaliya ka joogtay.

 

Soomaaliya axmaqninadeedii iyo dub adaygeedii hore ayey uga faa’ideysatay iyada oo khiyaanno ka dhigtay walaalnimadii wadahadalku ku bilaabmay.

 

Wali waxa nasiib-darro ah in xataa maanta dawladda Xamar cadownimada labada dhinac ku hawlan tahay. Adduunkana Somaliland way soo socdaan ugu sheekaynayso.

 

Hadda adduunku runta aad buu u ogyahay! Ethiopia oo IGAD maanta madax u ahi heshiis laba dhan le’ ah ayey kula jirtaa Somaliland, oo u dhigan in Somaliland ay u aqoonsan tahay dal madaxbannaan!

 

Xamar waxa ay ahayd in runta Geeska Afrika taal ay fahamto, IGAD baa ka kaw ah cidda aan Rabin in Soomaali mid ah oo hal dawlad leh la helo.

 

Si kastaba ha u dhacdo e, waxa iyo midhka Somaliland dadkeedu rabaan ayaa ka xaasil ah. Cid waliba taas ayey ku khasbanaan doontaa.

 Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here