Ururada SOLJA Iyo  Al-bashiir Oo Hargeysa Ka Furay Kulanka Suxufiyiinta iyo Culimada + SAWIRRO

0
967

Hargeysa, (HargeisaPress) —kulan ay iska kaashadeen ururka Al-bashiir oo ka shaqeeya dacwada Diinta Islaamka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  iyo  Telefishinka True Cable Tv ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay kulan muddo saddex maalmood ah soconaya oo ku saabsan sidii saxaafaddu u tabin lahayd warar togan, una ilaalin lahayd anshaxa suuban ee saxaafadda iyo bulshada. Kulankan oo soconaya saddex maalmood ayaa saxafiyiintu culimada kaga dhegaysan doonaan doorka diinta Islaamka ay ku leedahay warbaahinta iyo kalmado ku saabsan cibaadada, waxaana ka qayb galaya inka badan 100 suxufi.

DSCF4927

9c1a8c38-3260-4ae2-a475-99ea8fc48bce

DSCF4902

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto), ayaa furitaankii kulankaasi suxufiyiinta ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan, islamarkaana ka qayb qaataan aqoon korodhsiga halkaasi culimadu ku soo bandhigayso iyo waanada diiniga ah. waxa uu ugu baaqay inay dhawraan anshaxa saxaafadda. Waxa uu intaasi ku daray in kulamo hore oo noocan ahi noqdeen kuwo midho dhal ah oo faa’iido u yeeshay bahda saxaafadda.

DSCF4920

DSCF4889

DSCF4910

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si rasmi ah u furay kulankaasi, waxaanu tilmaamay mushkiladdaha ka taagan cabashooyinka saxaafadda laga tirsado. Waxa uu sheegay in qorshe cusub oo ay wadeen oo ah in cidda saxaafadda cabasho ka qabtaa maxakamadda dacwad ka furato iyadoon suxufiga la xidhin, hase ahaatee qorshahaasi uu wajahay caqabad ah in sharcigii hagi lahaa aanu jirin ee dhinaca saxaafadda. Waxa uu suxufiyiinta u sheegay inay dadaal badan ugu jiraan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta, hase ahaatee ay habboon tahay in saxaafaddu dhawro xuquuqda dadka kale si ay u guulaysto ilaalintoodu. Waxa uu ku boorriyay inay akhlaaqdooda dhawraan maadaama war abuuri karo fidmo, saxaafadduna hayso masuuliyad culus oo muhiimad leh.

DSCF4925

DSCF4909

93df9416-2703-4481-af4e-74572a01572f

97c01d3a-13fb-4b4e-8513-eafcc4809cfd

DSCF4902 4

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here