UNHCR oo ka hadashay qaxootiga Turkiga iyo Giriiga+ SAWIRRO

0
1160

ISTANBUL- Bayaan kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyaaladiii u danbeeyey ee lagu sameeyey dadka qaxootiga ah ee doonayay in ay u gudbaan dalalka Yurub.

Qaramada midoobay waxay ugu baaqday masuuliyiinta dawladda Giriiga inaysan isticmaalin rabshado xad dhaaf ah oo ka dhan ah muhaajiriinta, sidoo kale waxay ugu baaqday dadka muhaajiriinta ah inay ixtiraamaan amniga xuduudaha u dhexeeya labada waddan .

Dhanka kale, af hayeenka sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF Marixi Mercado ayaa waxay sharraxday in dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan xadka Turkiga iyo Giriiga ay %40 ay yihiin haween iyo carruur loona baahan yahay in aan dhibaato loo gaysan.

Wariye Siciid Abdilahi Hassan – Giriiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here