Turkiga oo Xabsiga U Taxaabay Saraakiil Howlgab Ah

0
744

Ankara (Hargeisa Press) – Dowladda Turkiga ayaa xabsiga u taxaabtay 10 sarkaal oo howlgab ah, kaddib markii ay si cad u cambaareeyeen mashruuca kanaalka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu hindisay oo laga dhisayo biyo mareen muhiim ah.

Saraakiishan howlgabka ah ee la xidhay waxay ka mid ahaayeen 104 sarkaal oo saxeexay warqad caqabad ku ah mashruuca Erdogan uu damacsan yahay ee Bosphorus Strait.

Marin biyoodkaasi oo ah mid ay maraakiib badan isticmaalaan ayaa isku xidha Badda Madow iyo badda Mediterranean.

Saraakiisha la xidhay waxaa lagu soo oogay dacwad ah “inay ku heshiiyeen sameynta dambi halis ku ah amniga iyo awaamiirta dastuuriga ee dalka”.

Iyaga oo la mid noqonaya saraakiil ciidan oo aad u badan oo hore loogu maxkamadeeyay isku daygii afgembigii dhicisoobay ee Erdogan lalal damacsanaa oo dhacay 2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here