Talaalka Covid-19 La Gadhsiinayo Cisbitaalka Dhimirka Hargeysa

0
1023

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay cisbitaalka Dhimirka ee magaaladda Hargeysa gaadhsiin doonto tallaalka xanuunka Covid-19.

Agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeya ayaa sheegay in dadka ku jira cisbitaalkaasi yihiin kuwa dawladu ka masuul tahay isla markaana wixii daryeelkooda dhanka caafimaadka ah.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar ayaa isna sheegay in dadka ku jira cisbitaalkaasi ay yihiin kuwo nugul oo aan haysan cid u hadasha.

Dr. Axmed Cumar Askar ayaa intaas ku daray in hawl-wadeenada cisbitaalku ay xil iska saari doonaan sidii dadka ku jira cisbitaalka dhimirku ay u heli lahaayeen tallaalkaas.

Agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadka ayaa sidoo kale soo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cisbitaalka lagu xannaaneeyo dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here