Turkiga oo Diiday Qorshe Ay Masar U Soo Jeedisay Libya

0
1009

Turkiga ayaa diiday hindise xabad-joojin looga hirgelinayo Libya oo ka yimid Masar, iyada oo sheegtay in qorshahaas looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo Jeneral Khalifa Haftar kadib markii uu fashilmay weerarkii uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, waxaa sidaas weriyey wargeyska Hurriyet.

Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisal wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka.

Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka.

Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ugu gacan saydhay hindisaha inuu yahay isku day lagu badbaadinayo Haftar kadib guuldarrooyinkii ku gaadhay aagga dagaalka.

“Dadaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay in la saxeexo xabad-joojin waa inay ka dhacdaa madal isku keeneysa dadka oo dhan,” ayuu Cavusoglu u sheegay wargeyska Hurriyet. “Baaqa xabad-joojinta lagu badbaadinayo Haftar nooguma muuqdo mid caddaalad ah ama aan aamini karno.”

Cavuosglu ayaa sheegay in Turkiga ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here