Soomaalida Ottawa oo Codkooda Ku Biiriyay Cambaaraynta Dilkii Goerge Floyd

0
1423

Ottawa (Hargeisa Press) – Soomaalida ku dhaqan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa codkooda ku biiriyay cambaaraynta lagaga soo horjeedo dilkii ay booliska Maraykanka u geysteen nin madow oo lagu magacaabo George Floyd.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa baraha bulshada ku baahay muuqaal mujinayay isga oo odhonaya ”Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

Kulanka bulshada Soomaalida ku cambaaraynaysay dilka George Floyd oo ka dhacay agagaarka Masjid Salaama ee magaalada Ottawa, ayaa sidoo kale lagaga hadalay wiil Somali-Canadian ah oo Booliiska magaalada Ottawa ku dileen bishii July 24, sanadkii 2016.

Cabdiraxmaan Cabdi oo 37 jir ahaa ayaa ku geeriyooday Cisbitaal kadib markii Booliiska Ottawa ay u geysteen jidhdil xoogan. Waxaa dilkiisa loo aaneeyay inuu salka ku hayo midab takoor iyo cunsuriyad.

Daniel Montsion oo ka tirsan Booliska magaalada Ottawa ayaa lagu soo oogay dacawad la xidhiidha dilka Cabdiraxmaan Cabdi. Waxayna maxkamadiisa dib u bilaabandoontaa bisha July 6, 2020.

Iyada oo la tix-galinayo kala fogaansha la xidhiidha cudurka Covid-19, ayaa qayb kooban oo ka tirsan bulsha Soomaalida ee magaalada Ottawa ka soo qayb galeen kulaankaas. Waxaase la rajeynayaa in dib loo kulmo si wadajir looga qayb qaato sidii caddaalad loogu heli lahaa dilkii loo geystay marxuum Cabdiraxmaan Cabdi.

Waxaa meesha laga akhriyay khudbado ku baxayay afar luuqadood ee kala ah, Soomaali, Carabi, English iyo Faransiis. Shaqsiyaadkii halkaas bayaanka ka akhriyey ayaa waxaa ka mid ahaa  Sheekh Cabiraxmaan Bashiir, Sheekh Cabdikariim Sugulle, Cabdiraxman Kaahin iyo Sheekh Muuse Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here