Tirada Dadka Ku Dhintay Duufaanta Ku Dhufatay Mareykanka oo Korodhay

0
430

Florida (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya gobolka Florida ee dalka Mareykanka, ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian inay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof.

Shaqaalaha samatabixinta, ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.

Duufaantan, ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Mareykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla gobolka Florida.

Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdegdegga ah ee Mareykanka, ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka “State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaadhi lahaayeen guri walba oo ku yaalla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiyaan bedqabka bulshada.

Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo guri.

Duufaanta Ian oo ka timi dhinaca badda, ayaa meelihii ay dhinaca berriga ka soo bilaabantay waxaa ugu horreeyey xeebaha ku yaalla dhinaca Koonfur-Galbeed ee gobolka Florida, iyo weliba xeebaha gacanka Mexico.

Hase ahaatee dhimashada ugu badan, ayaa laga diiwaangeliyey degmada Lee, halkaas oo aan ku jirin meelihii markii hore la saadaalinayey inay duufaantu ku dhufato.

Criswell oo markale la hadashay Fox News Sunday, ayaa sheegtay in casharka ugu weyn ee laga baranayo duufaanada ku soo noqnoqday dalka Mareykanku inay tahay, in shacabka Mareykanka ahi inay ogaadaan halisaha jira iyo meelaha ay tahay inay ku noolaadaan iyo sida ay muhiimka u tahay in dadku ay leeyihiin caymiska fatahaadaha, si aad u ilaalisaan hantida qoyskaaga.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa la filayaa inuu safar ku soo maro gobolka Puerto Rico oo ay duufaantu hore ugu dhufatay bishii hore iyo gobolka Florida, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha soo gaadhay labadan gobol.

Gobolka North Carolina oo ay duufaantu gaadhay, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in duufaantu ay ku dishay gobolkiisa illaa 4 qof.

Shirkadda CoreLogic oo ku takhasuustay qiimaynta hantida, ayaa sheegay khasaaraha ay dabayluhu soo gaadhsiiyaan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gobolka Florida, inay shirkadaha caymiska ugu kici doonto lacag gaadhaysa illaa $32 billion oo dollar, halka khasaaraha ka dhasha fatahaaduhuna uu shirkadaha caymiska ugu kacayo illaa $15 billion oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here