Fadhigii Golaha Wakiillada oo Furmay, Kadib Khilaaf Hadheeyay Golaha

0
1118

Hargeysa (Hargeisa Press) – Fadhigii golaha Wakiillada Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah u furmay, kadib khilaaf maalmo qaatay oo u dhaxeeyay xildhibaannada Golaha, kaas oo sababay in goluhu xidhmo.

Fadhigii saaka oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayuu waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in khilaafkii ka dhex aloosnaa xildhibaanada golaha laga wadahadlay islamarkaana la dhameeyay.

Waxaa kaloo uu sheegay in khilaafkaasi ay si hoose u dhamaysteen xubnaha golaha Wakiillada iyo shir-guddoonkoodu islamarkaana ay u shaqaynayaan bulshada Somaliland.

Xildhibaanada golaha Wakiillada, ayaa sidoo kale saaka loo qaybiyay nuqulka Xeerka Shirkadaha Caymiska oo doodiisu fadhiyada soo socda bilaabmi doonto.

Si kastaba, khilaaf siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo kala jeeda Isbhaysiga labada xisbi mucaarad iyo xukuumadda oo salka ku hayay arrimha doorashooyinka, ayaa sababay in uu goluhu xidho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here