Tartanka Kooxaha Horyaalka Kubbadda Cagta Togdheer Oo Furmay

0
1934

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somalilamd ayaa maanta magaaladda Burco ka furmay tartanka horyaalka Kubbadda Cagta gobolka Togdheer.
Tartankaasi oo dhacaya garoonka Kubbadda Cagta ee Alamsey Stadium ee magaaladda Burco.


Waxaana tartankaasi ka qayb galeya kooxaha heerka 1aad ee Burco oo tiradoodu dhan tahay 8 kooxood.
Tartankaasi waxa maalgelisay wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland waxaana fulinaya Xidhiidhka Kubbadda Cagta.


Furitaanka tartankaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos Mirre Maxamed, badhasaabka gobolka Togdheer.
Agaasimaha waaxda ciyaaraha C/rashiid Caydiid Yaasiin, gudoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Fu’aad Axmed Cali.


Isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Togdheer Cabdi Muraad, maayarka iyo maayar ku xigeenka cusub ee Burco, ayaa iyagna ka qayb galay xafladaasi.
Kuwaas oo hadalo kooban oo ay kaga waramayeen faa’iidooyinka ay ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyarada iyo waxtaabaha dhalinyarada waxtar ku leh.


Wasiir Boos, oo hadal ka jeediyay furitaanka tartankaasi ayaa kooxaha ka qayb gelaya ciyaarahaasi kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan nidaamka iyo shuruucda ciyaaraha.


Geesta kale, ciyaartii bilawga tartankaasi ee maanta waxaa ka soo qayb galay daawadeyaal fara badan, kuwaasoo muujinayay shucuurta kooxaha ay kala taageersan yihiin.
Dhinaca kale, waxa la filayaa in maalinta beri ah ay magaaladda Laascaanood ka furmi doonto xaflada qori tuurka tartanka horyaalka Kubbadda cagta kooxaha heerka 1aad ee magaaladaasi.

Waxaana xafladaasi ka qayb geli doona wasiirka ciyaaraha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo wasaaradaasi ka tirsan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here