Tartanka Gabayada oo Buuhoodle Ka Bilaabmay

0
625

Buuhoodle (Hargeisa Press) – Waxaa maanta Magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn si rasmi ah uga billowday tartanka Gabayada.

Tartankan gabayada oo ka furmay xarunta Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle, ayaa waxaa ka qaybgalaya 32 tartame oo sadex ka mid ahi tahay Dumar.

Waxaana tartankan soo qabanqaabiyay urur lagu magcaabo Qaryaddaada Quruxso, waxaana ka soo qaybgalay marti kala duwan isugu jira Abwaano, iyo Waxgarad ka kala yimi, Hargeysa, Laascaanood, Garoowe, Burtinle, Burco iyo degaano kale.

Sidoo kale, Waxgarad, Abwaano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhamaantood madasha ka hadlay, ayaa waxay codsadeen in la joogteeyo tartamada noocan oo kale ah.

Si kastaba, tartankan Sugaanta, ayaa waxaa ay dadku ku tilmaameen talaabo ku dayasho mudan, waxaanay dhalinta wakhtigan u tahay aqoon kororsi iyo dadaalba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here