Dhalinyarrada Berbera Oo Mar Kale Ku Celiyay Tabashadoodda Shaqo La’aaneed

0
453

Berbera (HP): Dhalinyaradda ku nool magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa mar kale ku celiyay cabashadda ay ka qabaan qaabka loo qaadanayo shaqaalaha garroonka diyaaradaha Berbera.
Dhalinyaradaasi oo maalmahanba ay cabashadoodu isa soo taraysay waxay maanta mar kale ku celiyeen in aanay marnaba ka tanaasulaynin tabashadoodda.


Hase yeeshee waxay sheegeen in ay dariiq sharci ah u marayaan helitaanka xuquuqdoodda, isla markaana ay hawshaasi u daba fadhiisanayaan maamulka gobolka Saaxil.
Dhalinyaradan ku nool magaaladda Berbera oo isugu jiray Wiil iyo Gabdho, oo maanta warbaahinta la hadlay waxay cadeeyeen in xaqii ay u lahaayeen in ay kaga mid noqdaan shaqaalaha garroonka diyaaradaha Berbera in aan dariiq cadaalad ah loo marin.


Waxaanay ku doodeen in iyadoo ay joogaan dhaliinyarradii mutacalimiinta ahayd ee reer Berbera in hadana shaqaale laga soo qortay goboladda kale ee dalka.

DAAWO: Cabashadda Dhalinyaradda Berbera:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here