Tahriibka Ciidan laguma joojin karee caqli baa lagu joojin karaa Qallinkii: Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

0
1222

Waxaa maanta markii aan maqlay yaab iyo amakaag igu noqotay in xukuumada Somaliland ay Ku dhawaaqdey abuuritaanka Ciidan la yidhi waxay xakamayn doonaan tahriibka..

 

Hadaba SU,aasha is waydiinta lihi waxay tahay sidaasi ma dariiq sax ah oo tahriibka lagu joojin karaabaa…………………………..

 

Jawaabtu waa

Maya Maya Maya Maya

 

Sidee ayaa lagu joojin karaa Aafada tahriibka…………………………?

 

(1)::::in umada oo dhan loo sameeyo Cadaalad iyo Sinaan taasoo u ogolaan doonta in qof waliba shaqada uu kartideeda iyo aqoonteeda leeyahay uu helo

 

(2):::in la helo maamul wanaagsan kaasoo u hamuun qaba sidii uu bulshada shaqo ugu abuuri lahaa dadkana Ku wacyi galiya in ay lasoo baxsan  khayraadka wadankooda  halkii ay ka tahriibi lahaayeen

 

(3)::::in la sameeyo wacyi galin balaadhan oo heer Qaran ah Lana joogteeyo

 

(4):::::in Si dag dag ah loo bedelo xukuumada hada jirta oo ah mid aan samayn Karin Arimahan kor Ku xusay

 

(5):::::in Lala yimaado siyaasad cad oo Ku wajahan xoolaha dadkana dib loogu celiyo nidaamkii xoola dhaqashada oo waafaqsan casriga maanta taageero buuxdana laysla garabtaago xoolo dhaqatada taasoo markale badbaado u Noqon karta xoolihii oo sii dabar go,aya

 

(6)::::in latayeeyo sadexda wasaaradood ee kala ah

#wasaarada beeraha

#wasaarada kaluumaysiga

#wasaarada xanaanada xoolaha kuwaasoo sabab u Noqon kara shaqo abuur heersare ah hadii la galiyo maskaxda umada iyo maalka dalka………………………………

 

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………………

 

G……Ururka C&SS

Ahna qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed………………….

 

Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

 

BAAQ IYO TALO BIXIN

 

SIDEE MAANTA SOMALILAND LOO BADBAADINKARAA WAA MAXAY DARIIQA KALIYA EE INOO FURANI……………………………?

 

BISMILLAHI RAXMANI RAXIIM

 

ASALAAMU CALEYKUM

MAANTA OO AY BISHU TAHAY 20/04/2016

 

Markaan eegay duruufaha ku xeeran wadanka Somaliland Ee dhinac walba Leh Iyo baahida maamuul xumo oo heer walba gaadhay…………………………..

 

Waxan ku talin laha todobadan  qodab

 

(1)::: waxa ii muuqata in loo baahanyahay isbadal dag dag ah oo heer madaxtooyo ah una baahan in shacabka Reer Somaliland si isku mid ah uga wada shaqayaan sidii loo heli lahaa Mucaarad iyo muxaafidba

 

(2):::in shir Aan saxaafada laga shaacin ay isagu yimadaan hal doorka

Madax dhaqameedka  Somaliland go,aan isku mid ahna ka qaataan badbaadinta qaranimada Somaliland oo hada qabiil qabiil ku Sii sinqaysa

 

(3):::::: in labada xusbi mucaarad mid ka mid ah la taageero awooda shacabkana la isagu geeyo si loo helo xukuuumad madaxweyne foojigi hogaamiyinayo dalkana ka badbaadisa qaran dumin iyo qabyaalad faafta

 

(4)::::::in inta marxalada kala guurka lagu gudo jiro la ilaaliyo nabad galyada isku meelna looga soo wada jeesto  cid kasta oo wadanka  khalkhal galisa  xukumada hada talda haysana lagu ixtiraamo hawlaha qaranka

 

(5)::::in adeegsiga weedhaha qabyaalada xanbaarsan la joojiyo khilaaf kaste oo yimaadana lagaga gudbo isku duubni iyo wada jir qabiilaysi ka madax banaan

 

(6):::::In saxafada wadanku ilaaliso danaha qaranka iyo xeerka saxafada caalamiga oo ka madax banaan qabyaalad nin jeclaysi iyo kicin dadweyne kana fogaadaan baahiinta wax kaste oo wax u dhimi Kara nabad galyada iyo samcada  qaranka

 

(7)::: in il kaliya lagu wada eego isku meelna looga soo wada jeesto  cidkasta oo cadow ku ah danaha wadankan curdinka ah

 

FIIRO GAAR AH…………………

Waxay Soomalidu Ku maah maahdaa NIN WAYN IYO UMULISO TOONA SIDEY WAX U OGYIHIIN WAX UMA SHEEGAAN……………………….

 

Waxaan leeyahay madoonayo inaan mid mid isu dultaago dhaliilaha waa wayn ee u baahan in Si dag dag ah wax looga qabto shantii sanee u danbaysayna iskasoo daba dhacayey waxaanse qabaa sida kaliyee lagu xalinkaraa waa talooyinkaan kor kuxusey waayo waxaa buuxiyey xafiiska madaxwaynaha shantii sanee ugu danbaysay fariimaha lagu dhaliilayo xukuumadiisa oo ah kuwo xambaarsan dareen wadaniyadeed iyo diirnax waayeel marqudha se lama helin jawaab sax ah iyo ficil dhaliilahaa lagu saxayo toona………………………………..

 

Ugu danbayn waxaan shacbiga reer Somaliland leeyahay waxa goolka guusha dhaliya tiim ciyaar wanaagsan oo wada jir Ku darsada iyo talo wadaag…………………………….

 

Shacabka ReeR Somalilandnoow Boqorkii Same Taliska ahaa Ee indhaha Beelay  Saraakiishii Gacan Yaraha u ahaa ee Dowladiisa iyo Kala Qarintii Shacabka Maxaad Ka Xusuusataan……………………

 

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………………

 

G……Ururka C&SS

Ahna qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed………………….

 

Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here