“Suldaan Wabar iyo Waxa La Socdaaba Waxay Noogu Astaysan Yihiin Khaa’inul Waddaniyiin…Xisbiyadda Qaranku Runtii Way Khaldan Yihiin”Madaxweyne Xigeenka Somaliland

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) — December-23-2014-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa Sheegay in haatan Gobolka Awdal hayay mid xassilloon kaddib Xiisaddii ka aloosnayd mudooyinkii u dambeeyay “Gobolku waa Nabad Imika” ayuu yidhi Mr Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Suldaanka Shaqaaqada Abuuray yahay mid qaran dumis ah oo Somaliland ka fallaagoobay, isagoo ku tilmaamay inaan arintiisu ku salaysnayn tabashadii Reer Awdal.

“Gobolka Awdal waxaa runtii ku soo kordhay arin aan laga filayn. laba arimood oo Runtii aan laga filayn dhaqanka reer Awdal-na ku cusub ayaa meeshaas ka soo baxay, waa mide Awdal iyadoo Burburkii Somalia dhiigu yaalo oo dadkii Siyaasadda iyo Burburkii Somalia kala dilay ay ahayd tii Go’aankii ugu adkaa qaadatay ee ah Nabada, dabadeedna ah Gobol dhismay oo Nabadii ku horumaray, in la yidhaahdo Jabhad baa ka bilaamaysa Awdal waxay noqotay arin aan laga filayn Awdal Runtii.

Waxa kale oo Mucjiso Labaad noqotay oo aan dhaqanka Soomaalida ama Reer Somaliland aan looga baran, taas oo ah in Suldaan Qori qaato oo Jabhad ku dhawaaqo. Waxa inta badan Qori iyo Colaad ku baaqaa waa Nin Siyaasi ah, oo mar walba Mansab iyo wax noocaas ah raadinaya laakiin, Suldaanku wuxuu ka taliyaa Nabada iyo isku soo dhawaanshaha dadka” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in Weftiyo iyo Jufada Suldaan Wabar loo diray arinta aakhirkiina isaga iyo wefti uu ku jiraa Boorama u tageen xallinta Arintani “Waxaanu u diray Juffadiisii, markii arintii jiitantayna anagaa u tagnay oo markaa dadkii ku nidhi waxani maaha wax inaga qabta Umadda Somaliland, mana aha mid ku fadhida tabashadii reer Awdal oo maaha in dadka la khaldo,Tabashada waa in Qofku isagoo Somaliland ah wax tawdo laakiin Nikaasi wuxuu ka baxay Qaranimadii Somaliland iyo Cahdigii ahaa in Somaliland la wada dhisto”

Madaxweyne xigeenku waxa uu iftiimiyay Mawqifka ay Xukumaddu ka taagan tahay Suldaan Wabar “Ninkaasi wuxuu ka baxay heshiiskii Umadda Somaliland ku heshiisay ee ahaa Cidii ka baxda in Umadda Somaliland meel uga soo wada jeedsato oo gacanta la wada saaro,markaa waxaanu Ninkaas iyo wixii la socdaba u aqoonsanay Nin Qaran dumis ah, waxaanu noogu astaysan yahay Nin Khaa’inul waddan ah” ayuu Madaxweyne xigeenku yidhi.

Madaxweyne xigeenku waxa Mucaaradka ku dhalliilay siday Arinta Awdal uga hadleen “Xisbiyada Mucaaradka ahi aad bay u khaldan yihiin Runtii, Inay meel walba wax ka dayaan maaha,Ninku markuu tartamayo inuu wax kale ku tartamo ayaa wanaagsan, ee Hawsha amniga waxaa loo igmaday Xukumadda hadba joogta, Ciidamada qarankana waxaa loo samaystaa laba arimood,mid waa inay ka difaacaan dalka Duulaan dibada ka yimaada, midna waa inay Gudaha ka ilaaliyaan meel kasta oo dhibaato ka imanayso” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here