Soomaaliya oo Khatar Ugu Jirta Khilaafka Doorashada iyo Ka Bixitaanka Ciidamada Mareykanka

0
950
James Swan

Muqdisho (Hargeisa Press) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khilaafka sii xoogeysanaya ee doorashada Soomaaliya uu halis galinayo horumarkii uu dalka ka sii gaadhayay dhinaca xasiloonida.

Waxay sheegtay in amnigu uu sidoo kale ku jiro kaddib markii ay todobaadkii lasoo dhaafay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii Mareykanka ee mas’uulka ka ahaa tababarka milatariga Soomaalida.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeyay in ay siyaasado halis ah isticmaalayaa kaddib markii dib loo dhigay doorashooyinkii baarlamaanka oo ay ahayd in ay dhacaan bishii lasoo dhaafay.

Waxaa jirta cabsi la xidhiidha in Soomaaliya ay dib ugu noqoto dagaal beeleedyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here