Soomaaliya: Masuuliyiin Ku Dhintay Qarax Miino Oo Jidka Loo Geliyay

0
443

Jawhar (Hargeisa press.com): Saddex masuul oo ka tirsanaa maamulka Hirshabeele iyo askar la saocotay ayaa maanta ku dhintay qarax Miino xili ay ku safrayeen jidka u dhexeeya magaalooyinka Jawhar iyo Balcad.

Saddex ruux ee qaraxa Miino ku geeriyooday ayaa midkood hore xil wasiirnimo uga soo qabtay Hirshabeele, nin u shaqaynayay hay’ad ka hawl gasha Hirshabeele iyo masuul kaloo maamulkaasi ka tirsan.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ay masuuliyiintu ku dhinteen.

Tiradda dhimashadda ayaa la sheegay in ay saddex ka badan tahay, isla markaana ay jiraan askar ilaalo u ahayd masuuliyiinta geeriyooday oo iyagna qaraxa ku dhintay oo aan weli tiradoodda la xaqiijinin.

Sida uu sheegay wasiirka madaxtooyadda maamul goboleedka Hirshabeele C/laahi Maxamed Cadow,  oo dhacdadaasi ka hadlay.

“Meel u dhaxaysa Balcad iyo Galoolay ayaa jidka Miino loo geliyay, miinadaas ayaana la qaraxday masuuliyiinta dhintay.

Ilaa hadda tiradda qaraxan Miino ee maanta ku dhimatay, tiro sax ah ma hayno. Askarna way dhinteen”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadda Hirshabeele oo maanta BBC la hadlay.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Saddexda ee dhintay, nin waxaa ka mida nin wasiir hore uga soo noqday Hirshabeele, wasiirkii wershadaha iyo ganacsiga Sabriye iyo guddoomiye ku-xigeenkii maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo nin hay’adaha la shaqaynayay iyo askar.

Laakiin, askarta xaaladoodda iyo tiradda dhimatay ama dhaawac ah ma hayno, mana rabo in aan ka sii hor dhaco”.

Geesta kale ma aha markii u horaysay oo sidan oo kale masuuliyiin loogu dilo jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jawhar, iyadoo ay hore madax iyo masuuliyiin kale duwan jid gooyo ama qarax Miino lagu dilo.

Wasiir C/laahi Cadow, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhacdooyinka noocaas ah ay soo noq-noqdaan, iyadoo halkaas ay joogaan ciidamadda dawladda federaalka iyo weliba kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Jidka u dhexeeya Jawhar iyo Balcad ama ilaa Muqdisho, mudooyinkan danbe waa sidan iyo si ka sii xun xaaladiisu. Hore ayaa loogu dilay xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Aad baanan uga xumahay dhacdooyinkan soo noq-noqday. Ciidamadii federaalku muddo badan ayay halkaa joogeen, ciidamadii AMISOM-na way joogaan.

Hadana waxaa yaab leh in marwalba dhacdooyin noocaas ah ay ka dhacaan. Waa wax aad iyo aad looga xumaado”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadda Hirshabeele.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here