Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Laga Hirgelinayo Berbera

0
585

Berbera (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo kala gedisan oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera.

Mashaariicdaasi waxaa ka mida ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera.

Isagoo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.

Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera.

Waxaanu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.

Maareeyaha Haamaha keydka shidaalka Berbera Xasan Axmed Embasi oo ka hadlay dhagax-dhig uu madaxweynuhu u sameeyey laba Haamood oo cusub oo kala ah Naafto iyo Baatrool.

Kuwaasoo midkiiba qaadayo 10,000 (toban kun oo mitir Kuyuubik), ayaa hoosta ka xarriiqay inay haamaha ka dhigeen kuwa isku filan, isla markaan awood u leh inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, xaddiga haamahana kor loo qaadayo.

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Berbera Saleebaan Cabdiraxmaan Xuseen iyo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay kormeerka uu madaxweynuhu ku tegay Ceel-biyood biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre, ayaa si waafi ah uga warbixiyey dedaallada ay ugu jiraan sidii ay magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan.

Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera.

Isagoo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka.

Waxaanu yidhi  “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho.

Maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here