SONSAF Iyo SSE” Waxay Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Ugu Baaqaysaa inay Kordhiyaan La Wadaagida Macluumaadka Doorashooyinka”

0
1113

Hargeysa, (HargeisaPress) —War-saxaafadeed Wada jir ah oo ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada Dallada Jilayaasha aan dawliga aheyn ee (SONSAF) iyo Dallada Ururuda bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE), waxa ay yeesheen kulamo socdey September ilaa badhtamihii bishan Octoober ee Sannadkan. Kulannadaasi oo si weyn lagu gorfeynaayey arrimaha doorashooyinka sida wakhtiga inoo hadhay looga faa’iideyn lahaa, doorasho xor iyo xalaal ahina ay u dhici lahayd wakhtiga loo qoondeeyey 28 March 2017-ka.

 

Sidoo kale waxa ay labada dhinac si weyn uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay dedejinta iyo dhammaystirka qabyada diwaangalintii waddanka ka qabsoontey, hadday tahay kala-hufista xogta diwaangelina, daabacaadda iyo qaybinta kaadhadh-ka cod-bixiyeyaasha.

 

SONSAF iyo SSE waxa ay sidoo kele ugu baaqayaan xukumadda Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka iney kordhiyaan heerka wadaagidda macluumaadka ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

 

Dib-udhigistii doorashada aqalka wakiiladu waxa ay tilmaan cad u ahayd in hanaanka doorashooyinka Somaliland ay soo wejehday caqabad weyn oo dhinaca siyaasadda iyo sharcigaba ahi, oo u baahan go’aan qaadasho siyaasadeed oo lagaga baxo marxaladaha noocaasi oo kale ah.

 

SONSAF iyo SSE waxa ay si weyn ugu talinayaan in xukumadda Somaliland ay la timaado qorshe hawleedka doorashooyinka baarlamaanka, (parliamentary election roadmap)  iyada oo ay hubaal tahay in qabyo badani ka jirto, hadday tahay saami qaybsiga kuraasta gobollada iyo degmooyinka, dumarka iyo dadka la hayb-sooco sidii loogu diyaarin lahaa kooto.

 

Ururada bulshada Rayidka ah ee Somaliland Gudo iyo Dibedba waxa ay aaminsan yihiin in doorashooyinku ku dhacaan wakhtigooda. Shacbiga Somaliland lama dhacsana, aadna way uga xun yihiin wax kasta oo dib u dhigaya doorashooyinka. Taasi oo keeni karta xasilooni-darro siyaasadeed iyo dhaawac soo gaadha nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland.

 

Ugu dambayn SONSAF iyo SSE waxa ay si wada jir ah uga mahadnaqayaan Dawaldda Somaliland bixinta kharashka doorashooyinka, waxay kaloo uga mahadnaqayaan  beesha caalamku taageerada ay siiso arrimaha doorashooyinka Somaliland hore iyo dambeysaba, iyaga oo si wada jir ahna ugu boorinaaya iney sii wadaan taageerada iyo kaalmada dhaqaale ee ay ku bixiyaan doorashooyinka Somaliland, gaar ahaanna doorashada madaxtooyada la filaayo sannadka dambe.

 

Mustafe Sacad Dhimbiil  Guddoomiyaha SONSAF  

Cabdillahi Yusuf (Xeef)   Guddoomiyaha SSE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here