CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 1 aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1119

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

Hordhac:
Ugu horayn, waxan halkan ku gorfayn doonaa qormo taxane ah oo ka hadli doonta, Soyaalkii Hoggaaminta Ahmed Muumin Seed. Duug-reebka Siyaasadda Xisbiga Waddani, Male Xumada Musdanbeedka, Lunsanaanta Wiilasha Idman, Dhaawaca Cugashada Cirro, Kaalinta Cataabe Casabo Lagu Doortay ,Kaalinta Kooxda Boodo dheere, Xilka la ammaahiyay Xildhibaan: Abdiqaadir Jirde, Waraabe u taagga kursiga Xirsi, Xilkasta darada Xubnaha Golaha iyo Aayaha Dumay ee Xisbiga Waddani”

 

Runtii xisbiga WADDANI waa xisbi aan wali qaangaadhin oo aan khibrad xulasho iyo mid hoggaamineed midna laga filan karin. Waa xisbi la tartami doona xisbiyo qaangaadh ah oo khibrad iyo awood hoggaamineed leh. Waa xisbi aan tolan weelkii guusha, balse macmal toshay maro haylan oo hareeraha ka faydan oo an cawrada u qarin karin. waa xisbi musdanbeed reeraysan iyo wiilal idmani xadkii dimuqraadiyadda iyo hanaankii xisbinimada waydaarshay. Waa xisbi muddo kooban dalka ka unkay xigteysi siyaasadeed oo qabyaalad iyo qolonimo ba’as ku salaysan. Waa xisbi soo kordhiyay cashiiro siyaasadeed iyo casabo an la hubin sax-sanaanteeda, taasi oo uu maanta hirgaliyay. Hadaba, waxba yaanan ku sii fogaane, ku soo dhawaada taxane aad u falanqayn doona xaalada kakan ee sur-suurta oodan ka gashay xisbiga waddani iyo duug-reebka siyaasadeed ee riqiiska ah ee mudada kooban ku dhacay. Sooyaalkii Seed iyo saymo kale, Waana sidatan:

 

Sooyaalkii Seed:
• An hadalka ku bilaabo eh, mudane Ahmed Muumin Seed, wuxu ahaa amma yahay nin ku suntan wajiga mucaaradnimada ee xisbiga Waddani, wuxuu ahaa ninkii ugu dedaalka badna ee ka hawlgalay dhammaan deegaamadda Somaliland, si ururkii Waddani uu u noqdo xisbi qaran oo hanaanka dawladnimo, iyo midnimada qaranka wax ka bedeli kara.

 

• Wuxuu ku guulaystay in uu ururkii Waddani noqdo Xisbi siyaasadeed ka mid ah axsaabta Sadexda ah ee Somaliland maanta ka jira. Kaasi oo leh labo waji oo kala ah mid muxaafid ah oo Guddomiye Cirro ku suntan yahay iyo mid mucaarid ah oo Seed ku suntanaa.

 

• Ahmed Muumin Seed, waa guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga taagta daran ee Waddani, waana nin dalka oo dhan miisaan wayn oo siyaasadeed ku leh, guuldaradiisuna waa guuldarada xisbiga Waddani. Waa nin soo dhisay xisbiga iyo oo guul lama filaan ah u soo hooyay dhiisha maanta Abdirahman Cirro casabo dhaamiyay, waa nin xoog iyo xoolaba galiyay xisbiga, waa nin kicin kara duufaano siyaasadeed oo xisbiga guuldaro bada.

 

• Ahmed Muumin Seed, waa nin xisbiga Waddani soo galiyay taageerayaan malaayiin dollar xisbiga ugu deeqay. Waa nin taageerayaashiisu ay 50% bixiyeen lacagtii diiwangalinta ururada siyaasadda dalka. Waa nin haysta dal iyo dad xoog iyo xoolaba isku duuban oo halka ay u kacaan ganbiyi kara. Ahmed Muumin Seed, oo maanta la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC-da in laga yaabo inay isaga iyo garabkiisu dacwad u gudbiyaan Maxkamada sare/dastuuriga ah, islamarkaana uu la tashan doono taageerayaashiisu aadka ugu cudduda badan guud ahaan gobalka Awdal, gaar ahaana Caasimada Borama.

 

• Sidaa darteed guuldarada Ahmed Muumin Seed iyo darayrinta taageerayaashiisu, waa guuldarada xisbiga, guuldarada Cirro iyo burburka xisbiga Waddani. Taasi oo si wayn looga dhugan doono taariikhda timaaddada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan gobalka Awdal oo ah Florida maanta lagu kala calaf qaadi doono, taasi oo sababaysa in isbaahaysiga siyaasadda dalku hada waji cusub la soo baxdo oo shimbir caanoodu ka jeesato dhanka Xisbiga.

 

La soco qaybo kale oo muhiim ah.

By: Jamal A. Muse

Hargeisa Somaliland.

dankaabo@hotmail.co.uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here