Somaliland: Tirada Guud ee 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay laga Baadhay Covid19

0
726
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Hargeysa,(HargeisaPress)- Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye  ayaa bulshada la wadaagay xogta maalin laha ah ee wasaaradda caafimaadka ee ku saabsan xannuunka coronavirus isagoo sheegay in 11 qof ay ku maqan yihiin shaybaadh dibadda ah, sidoo kale tirada karantiinka ku jirta ayaa iyana ah 11 qof.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland wuxuu xusay in 1,217 qof 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay laga baadhay xanuunka kuwaas oo xuduudaha dalka kasoo galay iyadoo laga eegay calaamadaha xanuunka coronavirus kuwaas oo laga waayay astaamo muujinaya inuu Xannuunka Covid19 hayo.

Agaasime Xergeeye ayaa bulshada ka codsaday inay mashquulinta ka daayaan lambarka gargaarka deg degga ah ama (Call center-ka) kaas oo loogu tala galay in loogu addeego dadka ka cabanaya xanuunka corona ama u baahin wacyigelinta iyo talooyinka.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here