Wasaaradda Deegaanka Oo Saare-Daaq-simeed Ka Xidhay Banka Casuurra

0
886

Yagoori (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta deegaanka dooxadda Casuuurra ee gobolka Sool ka xidhay Seere daaqsimeed bedkiisu dhan yahay 20 KM.

Miisaaniyadda ku baxaysa Seere-daaq-simeedkani ayaa laga bixinayaa miisaaniyadda dawladda Somaliland ee sanadkan 2020-ka.

Saarahan Casuurra ayaa noqonaya kii labaad oo ay muddo todobaad gudihii ah xidho wasaaradda deegaanka Somaliland, iyadoo isla todobaadkan deegaanka Ban-cawl ee gobolka Togdheer laga hirgeliyay xidhitaanka Saare-daaqsimeed.

U jeedadda laga leeyahay xidhitaanka saarahani ayaa loola dan leeyahay qorshaha xukuumadda Somaliland ee maaraynta deegaanka iyo dhul-daaq-simeedka.

Waxaana xidhitaanka Saare daaq-simeedkaasi goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool, iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee masuuliyadu ku dheehan tahay ee bulshadda deegaanka Yagoori u soo dhaweeyeen xidhitaanka seerahaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay, sida sareexadda leh, ee kalsoonida leh, ee dadnimadu ku dhisan tahay, ee gobanimadda leh, ee odayaasha reer Yagoori iyo deegaamadda ku xeeran-ba ay uga hadleen.

Muhiimadu waxay tahay, waa in aan isla qaadano, ra’yiga iyo waxtarkuna uu ka yimaado dadka deegaanka. Waan idiinka mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad xidhitaanka Seerahan u soo dhawayseen”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan ilaa dhawr iyo labaatan Seer-xiliyeed.

“Dalka waxaa ka jira dhawr iyo labaatan Seere-xiliyeed. Waxaa nasiib wanaag ah, seerahan aan maanta furayno, iyo seer kale oo Ban-cawl ah, oo aanu shalay ka soo furnay gobolka Togdheer in ay yihiin labadii saare ee ugu horeeyay, ee dawladu maalgelinayso, oo la fuliyo”.

Madax dhaqameed, odayaasha  iyo dadweynaha deegaanka Casuurra ayaa soo dhaweeyay qorshaha lagu xidhay Saare-daaq-simeedkani.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe,  ayaa isla maanta kulan wacyigelineed oo la xidhiidha ka hor taga xanuunka Covid-19 la yeeshay bulshadda degmadda Yagoori.

Waxaanu hadal wacyigelin u jeediyay bulshadda degmadda Yagoori ee gobolka Sool, oo kula dar-daarmay in ay ka feejignaadaan sidii looga gaashaaman lahaa faafitaanka xanuunkaasi.

“Xanuun ayaa aduunka ka jira. Somaliland waa laga helay dhawr qof, inaga weli ci duma dhiman dalkeena Corona Virus. Laakiin, mar haddii xanuunkii jiro, oo Hargaysa laga helay, oo Burco lagu sheegay, oo Boorama lagu sheegay.

Waxaa dhamaanteen waajib inagu ah in arrintaa in aan ka feejignaano, oo aynaan sahashan xanuunkaasi. Daawo ma leh, oo dawladihii quwadda lahaa, ee dhaqaalaha badan haystay, ayaa u tag waayay”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Inagu waxaas oo awood ah ma haysano. Waxa keliya ee aan haysanaa, haddii aan maqalno, oo u hogaansano, amarrada ka soo baxaya guddiyadda iyo bahda caafimaadka, wax baynu ka qaban karnaa.

Waxa keliya ee xanuunkaasi lagaga bad-baadayaa, waa ka hor tag. Waa in la kala fogaado, Salaanta-na la yareeyo. Waxaan idinka codsanayaa xanuunkaa in aad ka digtoonaataan, haddii aad tihiin reer Yagoori, dadka kale-na aad ka wacyigelisaan”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here