Qodobo Lagu Soo Daray Ajandaha Kal-fadhiga 84-aad Ee Golaha Guurtida

0
570

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mudanayaasha aqalka golaha Guurtida Somaliland, ayaa saaka loo qaybiyay ajandaha kal-fadhiga 84-aad oo ay ku jiraan qodobo xaasaasi ahi.

Fadhiga golaha Guurtida, oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha, Siciid Jaamac Cali, ayaa waxaa ka soo xaadiray inta badan muddaneyaasha golaha, ayaa markii uu furmay fadhigu.

Markii uu furmay fadhigu, ayuu Guddoomiye ku xigeenku, mudaneyaasha ku wargeliyay in loo qaybin doono ajandaha Kalfadhiga 84-aad oo qodobo xasaasi ahi ku jiraan.

Sidoo kale waxa uu faray in ay maalinta barri ah soo akhriyaan haddii salaasadana ay soo xaadiraan.

Ajandaha Kalfadhiga 84-aad ee golaha Guurtida oo ah ka ay ku shaqayn doonaan mudaneyaashu inta uu goluhu gudanayaano waajibaadkiisa Dastuuriga ah, ayaa ka kooban 12 Qodob, balse waxa jira qodobo ku cusub.

Isu’socodka siyaasada iyo xaaladaha ka soo kordhay geeska Afrika, ka qayb galka ictiraaf raadinta labada gole, ukuurgalka iyo xog ogaal u noqoshada halka ay mareyso biyo balaadhintii caasimada Hargeysa, xog-ogaal u noqoshada halka uu marayo xannuunka shuban biyoodka, sameynta laababkii baadhitaanka cudurada kala duwan ee bulshadu dibedda u tagto, helitaanka dhakhaatiir takhasuus ah, sameynta  xeerkii lagu horumarinlahaa caafimaadka, xeerka guud ee caafimaadka, xeerka dhakhaatiirta, xeerka kalkaaliyaha caafimaadka, xog ogaal u noqoshada xaalada guud ee uu ku sugan yahay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, curinta xeerka dhaqanka iyo anshaxa suuban.

Ansixinta xeerarka horyaala golaha oo kala ah, xeerka madax dhaqameedka, xeerka garyaqaanka guud, xeer hoosaadka labada gole.

Sidoo kale u yeedhista masuuliyiinta Qaranka ee kala ah, maareeyaha hay’adda madaarada iyo guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here