Dalalka Beesha Caalamku Maxay Ka Yidhaahdeen Doorashooyinka Somaliland?

0
1279
Doorashooyinka Somaliland
Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dalalka Beesha Caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa waxaa ay war ka soo saareen Doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacaan 13 bisha November ee sanadkan aynu ku jirno ee 2024.

Beesha Caalamka, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan cayimaada rasmiga ah ee doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasada ee dalka ka qabsoomi doonta 13ka Bisha November.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen dalalka Denmark, EU, Garmany, Norway, Sweden iyo UK, ayay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan cayimaada rasmiga ah ee wakhtiga doorashooyinka Somaliland ee Guddida Doorashooyinku soo saareen iyo digreetadii Madaxweynaha Somaliland ku dhaqan geliyay muddada doorashooyinku ku qabsoomayaan.

“Waa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan xaqiijinta in doorashooyinka Somaliland qabsoomaan 13 November 2024,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Beesha Caalamka

Waxa kale oo ay intaas ku dareen “Waxaan ku celinaynaa heellanaantayadii ku wajahnayd in aanu la shaqeynayno komishanka.”

Beesha caalamku waxa ay daneeyeyaasha doorashooyinka ugu baaqeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay Somaliland uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo la xurmaynayo wakhtiga la cayimay iyo jidwalka wakhtiyaysan ee doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here