Fadeexadda Soo Waajahday Xidhiidhka Mareykanka iyo Soomaaliya

0
868

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxaa ay Xabsiga u taxaabtay Ciidamo Mareykanku ku bixiyay tababarkooda lacag gaadhaysa $100 Milyan.

Ciidamada xabsiga loo taxaabay, ayaa ah kuwa ay Soomaaliya ku dhaadato ee Unugga Danab, kuwaas oo muhiim u ah dadaallada uu Mareykanku taageerayo Soomaaliya.

Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Maraykanka ka heshay lacag ka badan $100 milyann, taas oo qayb ka ah dhismaha saldhigga Millateri ee Mareykanku ku doonayo in uu la sameeyo ilaalinta amniga Soomaaliya, iyadoo Unugga Danab loo sameeyay si looga hortago shilalka mustaqbalka.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigganaysa saraakiisha Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay shaqada ka joojisay oo ay xidhay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee uu Mareykanku tababaray, kuwaas oo xaday raashiin ay dowladda Mareykanku siisay, iyadoo intaa ku dartay in ay la wareegayso mas’uuliyadda bixinta  taakuladda ciidanka.

Unugga Danab, ayaa ahaa tiir muhiim u ah dadaallada Mareykanka uu taageerayo ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida. Mareykanka ayaa bishii February oggolaaday in uu dhaqaalle ka baddan $100 milyan oo doolar ku bixiyo si loogu dhiso ilaa shan saldhig oo ciidamada Danab loo qorsheeyay.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay galinkii dambe ee Khamiista ku sheegtay inay saaxiibada caalamiga ah ku wargeliyeen xatooyada, ayna la wadaagi doonaan natiijada baadhitaankooda.

Hase yeeshee, Sarkaal Mareykan ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadato dhammaan eeddaymaha musuqmaasuqa, maadaama ay dhaqaallaha intaa leeg ku bixisay tababarka iyo dhismaha Ciidanka Danab.

“Waxaan rajaynaynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tillaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saamayn kara gargaarka mustaqbalka,” ayuu yidhi sarkaalka, isagoo aan si toos ah uga hadlin in innay jirto in Mareykanku joojiyay taageerada uu siinayo Soomaaliya.

Mareykanka, ayaa sanadkii 2017, ogolaaday in uu gacan ka gaysto tababarida iyo qalabaynta 3,000, oo Askari oo ka tirsan Danab si ay uga fal-celiyaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab. Kooxdan ayaa tan iyo sannadkii 2006, waxay waday kacdoon ka dhan ah dowladda dhexe.

Danab, sidoo kale, waxay tan iyo sanadkii 2022, si weyn ugu lug lahaayeen guluf Millateri oo ay qaadeen ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyo isbahaysi la ahaa, kuwaas oo markii hore ku guulaystay in Al Shabaab ay ka qabsadaan deegaano ka tirsan badhtamaha Soomaaliya.

Olollahan, ayaa noqday mid xagal daac weyn ku yimi oo u muuqda inuu fashilmay, iyadoo ciidamada huwanta dowladda ay la daalaa dhacayaan sidii ay dhulka miyiga ah gacanta ugu dhigi lahaayeen, waxaana Al -Shabaab ay sii wadaan weeraro waaweyn oo ay ka mid tahay Caasimadda Muqdisho, taasoo abuurtay dareen lagu saadaalinayo innay Al-shabaab dib usoo xoogaysanay sida dhacday marar baddan oo hore, wallow gulufkan uu ahaa kii ugu weynaa ee sababay in laga qabsado deegaamo baddan.

Si kastaba aha haatee, fadeexadan, ayaa u muuqata mid saamayn ku yeelanay xidhiidhka Mareykanka iyo Soomaaliya, taas oo xilligan saamayn dhanka loollanka doorashadda ku yeelanay Madaxweyne Biden marka la gaadho xilliga kaabnaynka doorashada oo la saadaalinayo in tartan addag uu waajahayo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Biden  iyo Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweynihii hore Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here