Somaliland: SUDANES Restaurant Oo xalay Laga Furay Caasimadda Hargeysa + SAWIRRO

0
1111

Hargeysa, (HargeisaPress) — Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa ayaa laga hir geliyay Huteel Cunto oo aan noociisu hore dalka uga jirin hoteelkani oo loogu magac daray SUDANES Restaurant waxa furay Ganacsato Sudanes ah waxana Munaasibaddi Furitaan Huteelkaasi oo si heer sare ah looso agaasimay  kasoo qayb galay mas’uuliyiin, ganacsato, iyo aqoonyahano Siyaasiyiin haldoorka tira badan iyo marti sharaf kale.

20140929_202503

Al-Fayad Bariir Zamani oo ah Muwaadin Suudaani ah Ahana Milkiilaha hirgaliyay hotelkani ayaa ka warbixiyay waxayaabaha ku dhaliyay furista hotelka, isagoo sheegay in ay garteen in muhiim uu yahay maalgashiga Somaliland sidaasi daraadeedna ay rajeynayaan in adeegyo muhiim u ah bulshada in ay u qabtaan.

20140929_200439

Cuntooyinka lagusoo bandhigay madashi furitaanka Huteelkaasi iyo kuwa lagu samayn doono ayaa noqonaya Kuwa dalalka Laysku yidhaahdo Mediterranean -Ka iyo kuwa kaleba.

20140929_200414

Sikastaba ha ahaate Hoteelkan SUDANES Restaurant ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee taariikhda abid Hargeysa laga hir geliyo huteel casriya oo samaynaya Cuntoyinka Dalalka Sudan iyo kuwa kaleba.

20140929_200320

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here