Somaliland: Rubuc Qarni Dhugasho Mudan (Feb. 1991kii–Feb. 2016ka)! Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,

0
840
Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hal-qabsi:

Guddoon dhacey waa nacas ninkii gaar u faashadey,

Guri ba’ay waa cadow ninkii raarta sii korey,

Guushaada waa lala jiraa ee gees ha ka ahaan,

Gobanimo waa quus ninkii gawska dhaafsadey,

………Inta Maanku Gaajeysan yahey guuli waa weli.

 

Tixo ka mid ah Gabeygii Gud-gude ee Gabyaa M. I. Warsame-Hadraawi- 1990.

 

Shan iyo labaatan sanno ka hor waa taariikh cajiib ah gobol qaaradeedka Geeskta Afrika iyo  midka degelka Somaliland ka curatey. Waa taariikh ay kowsatey guul muddo la goobayey oo naf iyo maal badan loo hurey. Waa taariikh ay kowsatey nolol cusub oo la go’aansadey in dib-loo yag-leelo mid mar hore hungo lagala kulmey. Waa cahdi ay dib-u-dhalatey gobanimo luntey soddon iyo kow sanno ka hor (26kii Juun 1960kii). Taas oo si ilduuf misna caadifad iyo qiiro ku ladhan tahey oo aan ka fiirsi laheyn loola midoobey Soomaali kale oo aan qabin dareen la mid ah midka ay reer Somaliland qabeen iyaga oo is mood-siiyey in ay isa soo dhiibeen xilligakan!

 

Maxaa bilaabmey xilligakan aan ka hadlaayo (Feb. 1991ka)? Waxaa jirey dhacdooyin isdaba joog ah: 1dii Feb. 1991ka Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaliyeed ee SNM waxaa ku dhawaaqey in la gaadhey Maalinta Guusha oo laga guuleystey nidaam keliye-talis ahaa oo uu hormood ka ahaa Mr. Siyaad Barre oo muddo toban sanno ah si aan kala go’ laheyn loola dagaalamey gudaha Somaliland dagaalkaas oo sababey burbur baahsan, qudh gooyo aan xad lahey, isu dir iyo isu hubeyn dadka wada dhashey, arami lagu aasey dhulka iyo magaalooyinka, iyo guud ahaanba dhaxal la’aan lagala kulmey cahdiga nidaamkan uu talada dalka mayalka u hayey.

 

Maalintan guusha SNM ugu wanqashey waxay ku xidhiidhsaneyd muddo bil ka yar oo ay ku xidhiidhsaneyd gaar ahaan bishii ka horsey ee Jeeniweri oo SNM si aan kala go’ lahey ay dagaal kama dambeys ah ugu qaadey goobo istaraatiji ah; 29 Ja. 1991 waxaa si buuxda gacanta loogu qabtey magaalada muhiimka ah ee Marsada Berbera oo sahayatey ku dhawaad 72 halyey oo ku naf waayey dagaal toddoobaad ka socdey, 30kii Jan. 1991 waxaa SNM gacanta ku dhigtey magaalada caasimada labaad ee Burco, iyo 31ka Jan. 1991 oo ay SNM gacanta ku dhigtey caasimada Hargeysa iyo Gabiley. Markaas ayaa Af-hayeenka SNM ku dhawaaqey 1dii Feb. 1991 in ay gacanta ku dhigtey waqooyiga Soomaaliya (Somaliland).

 

Isla bisha Feb. 1991, SNM waxay suurto-gelisey wacadka NABADA BEELAHA SOMALILAND OO KA QABSOOMEY MAGAALADA MARSADA ah ee BERBERA 27kii Feb. 1991kii. Waa markan kolka ay beelaha Somaliland isu raaceen kulanka Aayo ka tashiga ummada oo shir-weynaha Beelaha ee ku qabsoomey Burco 18kii May, 1991. Halkan ayey ka dhalatey go’aanka taariikhiga ah ee dib-u-la soo noqoshada gobanimadii luntey 1dii Julaay 1960kii (18kii May, 1991).

 

Wakhtigaas illaa hadda JAMHUURIYADDA SOMALILAND waxa ay soo jibaaxdey geedi-socod dheer oo waayo xiise leh uu ku duugan yahey; nabadeyn, Dib-u-dhis, hub-ka-dhigis, yag-leelka heykalka dowladnimo, adkeynta maamulka dowladnimo, korinta dowladnimada illaa heer doorashooyin, iyo dhameystirka habka nidaamka dowladnimo oo reer Somaliland ay ku naaloodaan oo weli socda una baahan dhameystir weyn?

 

Waxaa cad oo aan u baahneyn markhaati in tacabkaas rubuc qarniga cimrigiisu baarka jarey  lagala kulmey hadimooyin weyn, dhibaatooyin tiro badan, iyo caqa-bado badan kuwaas oo joogto ahaa misna deris la ahaa hogaamiye kasta oo dalka soo marey waxaanu kala kulmaayey mushkiladdahan ummadatan uu adeegaha u yahey/ahaa!

 

Waa M/weynahii afraad midka hadda talada hayaa waana mid dhab ah in uu waayo ka duwan kuwa isaga ka horeeyey kala kulmey si uu u daadihiyo wadanka. Intaas oo dhan waxaa lagaga soo gudbey samir aan dhamaad laheyn, dulqaad aan daal laheyn, isu-tanaasul, iyo dhabar adeyg iyada oo keliya loo jeedo si loo gaadho himilada ummada (HHHir-gelinta qaran shaqeynaya-JAMHUURIYADDA SOMALILAND-).

 

Haddaba, maanta rubuc qarni ka dib, maxaa la gudboon reer Somaliland? Waa su’aal aan jecleystey in aan la wadaago akhristayaasha si qiimeyn weyn aynu ugu sameyno xaalada dhabta ee jirta oo aynu rubuc qarniga hadda curtey guulo kale oo hor ugu naaloono mustaqbalka dambe misna jiilka cusub u hantaan dhaxal aan duugoobin-In sha Allah-?

 

Aan ku soo afmeero tix ka mid ah mahadhooyinkaa Abwaan C/llaahi Suldaan-Timacade- (AHUN):

 

Qabiilka iyo iyo jeer oo la naco qaadka lagu waashey,

Qabyo weeye Soomaalidaay qiiradaadani……

 

Tix ka mid Gabayadii Gabyaa C/llaahi Suldaan -Tima-cade- (AHUN).

 

Allaa Mahad Leh,

 

Qalinkii:  Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland

 

Cell phone: 00 252 (0) 63 4137470

Email mustafe72@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here