Ciidamada Booliska Degmada Sheekh Oo Rasaas Ku Furay Qaar Kamida Arday U Dalxiis Tagtay Buurta Sheekh + Khasaraha Ka Dhashay

0
1004

Burco, (HargeisaPress) —War hadda soo gaadhay xafiiska Shabakada HargeisaPress, kana soo gaadhay degmada sheikh ayaa sheegaya in ciidamada booliska degmada sheikh ay rasaas nool ku fureen qaar kamida arday dalxiis u tagay buurta qurxoon ee dawga ee ku taala degmada sheikh oo kamida gobolka saaxil.

 

Ardaydan ayaa ka baxday magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.Waxaana khilaaf uu ka dhashay sida naloo sheegay kadib markii ay ciidamada booliska gaar ahaana askarta ilaalada kaantaroolka galbeed ee degmadu ay ardaydani u diideen inay dhaafaan una talaaban dhanka dawga oo ah buurtaa y u dalxiis tageen ardayadu, iyada oo ay ardayaduna ka dhaga adaygeen, waxaana halkaasi mid kamida cidamadu uu ardayda ku furay rasaas.

 

Rasaastan ay fureen ciidamadu ayaa waxa ku dhaawacmay mid kamida ardayda u dalxiis tagtay buurta iyada oo dhawaciisana naloo sheegay in loo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada burco.

Waxaana ay wararku intaa ku darayaan in askarigii dhaawaca u gaystay ardayga uu hada ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada sheikh.

 

La Soco Wararka ka soo kordha…

 

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco office

sekeriye80@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here