Somaliland Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Ka Baxday Waanwaantii Nabada Ee Beesha Caalamka

0
736

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida Xildhibaan Maxamed X Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland aqbashay guud ahaan qodobadii nabada ee ee Beesha Caalamku ku doonaysay inay ku dhex dhexaadiso Somaliland iyo Puntland oo dhawaan dagaalo door ahi dhex maray, isla markaana si weyn isugu maandhaafsan deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool.

Xildhibaan Maxamed X Cabdiraxmaan ayaa arrintan ku sheegay warbixin uu siinayey golaha Guurtida, kadib markii guddi ahaan kulan gaar ah la soo yeesheen Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaanu yidhi “Wasaaradda Gaashaandhiga JSL waxay warbixintii noogu sheegtay in Beesha Caalamku ay ku dhex jirtay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa xaaladda Deegaanka Tuke-raq, sidaasi awgeedna ay isaga dab qaadayeen Somaliland iyo Puntland, isla markaana ay labada dhinac u soo bandhigeen afar qodob oo kala ah in xabad joojin rasmi ah la sameeyo, in arrimaha aadminimo dhinac waliba fududeeyo oo uu sii daayo, in maxaabiista lays dhaafsado, iyo in wada hadal la furo”, Xildhibaanku waxaanu intaasi ku daray, “Dhammaan shuruudahaasi Somaliland si buuxda ayey u aqbashay, balse dhinacii kale lagama hayo”.

Sidoo kalena, Xildhibaanku waxa ka warramay heerka awooda ciidan ee Somaliland, “Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu noo sheegay in Ciidammada Qaranka ku filan yihiin xuduudaha Somaliland, oo ay haatan ku sugan yihiin, marka laga reebo qaybo ka mid ah gobollada barriga, kuwaasoo xukuumad ahaan ka go’an tahay in lagu gaadho si nabadgelyo ah, si wax looga qabto baahiyaha aasaasiga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka”. Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed X Cabdiraxmaan

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here