Somaliland oo Markii U Horeysay Laga Daah-furay Mashruuc Lagu Maamuusayo Shaqaalaha Dowladda Ee Daacadda Ah

0
1741

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Hargeysa laga daah-furay olole ku saabsan sidii loo ogaan lahaa, loona dhiirigelin lahaa shaqaalaha dawlada ee muujiyay shaqo wannaaga, barnaamijkaas oo ay yar yihiin wadamada ku yaala qaarada Afika ee laga qabtay.

Ololahan oo la yidhaa seeska astaanta iyo daacadnimada shaqo ayaa ah olole ay yar tahay wadamada ku yaal qaarada Afrika ee laga fuliyay.

Munaasibada shaacinta mashruucaas waxa hadal ka jeediyay gudoomiyaha hay’adda ISIR ee gacanka ku haya fulintiisa Axmed Maxamed Cali, waxaanuu sheegay in ay dhawaan ka bilaabi doonaan gobolada dalka, iyadoo u jeedadu tahay in la dhiirigeliyo shaqaalah dawlada, waxaanuu intaas ku daray in barnaamijkaas oo socon doona ay muddo lix bilood ah, iyadoo cidii ku soo baxda ee bulshadu u gartaan inay muujiyeen dadaal iyo hawl-karnimo la guddoon siino abaal marino kala duwan.

Munaasibada shaacinta barnaamijkaas waxa hadal ka jeediyay guddoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed iyo guddoomiyaha ururka haweenka saxaafadda ee WIJA Yaasmiin Axmed Yuusuf ayaa soo dhaweeyay barnaamijkaas, waxaanay xuseen in uu noqon doono mid kaalin ka qaata dhiirigelinta shaqaalahada dawlada, waxaanaay bogaadiyeen xubnaha barnaamijkaas gacanta ku haya.

Ololaahan oo marka uu furmo dadweynhu ay ka qayb qaadan doonaan qiimaynta xubnaha ka tirsan shaqaalahad dawlada ayaa hay’addaas gacanta ku haysaa waxay sheegtay in lagu bilaabi doono shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here