Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya oo Dib Loo Furay

0
970

Nairobi (Hargeisa Press) – Dowladda Soomaaliya, ayaa si rasmi ah dib ugu furtay safaaradeedii ay ku lahayd dalka Kenya, kaddib muddo lix bilod ah oo ay u xidhnayd khilaafkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in safaaraddu ay dib u bilowday adeegyadii ay bulshada u haysay.

Waxaanu sidoo kale sheegay wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba waddan oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh soo jireen ah oo aan si fudud u kala go’i karin.

Danjire Tarsan ayaa sidoo kale shaaciyay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto maalinta Isniinta ah, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliya inay soo doonan karaan adeegyada ay uga baahan yihiin Safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here