Madaxweyne Cagjar: Cidii Xiisaynaysa TPLF Maqale Ha Tagaan, Balse Loogama Baahna Deegaanka Soomaalida”

0
1394

Jigjiga (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar oo hadal ka jeediyay kulan dhaqaale loogu uruurinayay dadkii ay tacaddiyadu ka soo gaadheen ururka TPLF 30-kii sano ee ay xukunka Itoobiya hayeen, ayaa waxaa uu sheegay in habyaraatee aan deegaanka Soomaalida looga bahnayn in taageero looga muujiyo ururka TPLF.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sidoo kale sheegay in Ciddii xiisaynaysa TPLF ay tagaan magaalada Maqale, maadaama oo ay la bah yihiin.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sheegay in taariikhda tacaddiga Deegaanku aanu ahayn mid shalay uun billawday ee ay ahaayeen kuwo soo socday, wajiyo kala duwanna lahaa illaa iyo dawladihii Minilik iyo Mangisti Hayle Maryam.

Waxaana uu sheegay in intii TPLF ay qabatay talada Itoobiya la filayay in uu isbeddel guud dhoco, balse ay sii xoogeystay dilkii, baro-kacii iyo jidh-dilkii lagu hayay shacabka Soomaalida.

“Ciddii xiisaynaysa TPLF Maqale ha tagaan, maadaama oo ay la bah yihiin, balse loogama baahna Deegaanka Soomaalida”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar.

“Xukuumaddani ma aha xukuumad shacabka tacaddi u geysatay. waxaa marag-ma-doonto ah in ciidammadii shalay lagu laynayey bulshada ay maanta yihiin kuwa qudha ee ay bulshadu u arkaan in ay bad-baadiyeyaal u yihiin Ilaahay ka sokow, goob walbe oo deegaanka ka mid ahna ay codsanayaan in loo soo dajiyo”.ayuu intaasi ku daray hadalkiisa.

Geesta kale, Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida, ayaa eedaymo u jeediyay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka oo uu sheegay in ay markasta yidhaahdaan hala dhalleeceeyo dadkii dembiyada galay, balse midnimada ay afka baarkiisa ka tahay.

Waxaanu xusay in dawladdiisu horraan iyo haddaba ay diyaar u tahay midnimada guud ee bulshada, balse dambiile iyo dulmane ayna midoobi karin, kuwa hadda midnimada diiddanna ay yihiin uun shaqsiyaadkii bulshada dambiga ka galay oo diiddan in la sheeg-sheego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here