Somaliland oo Maraykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka u Caddeysay Mawqifkeeda Khilaafka Laascaanood iyo Doorashooyinka

0
336

Hargeysa-(HargeisaPress)–Xukuumadda Somaliland ayaa ka dalbatay Maraykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan sidii ay u soo celin lahayd ammaanka magaalada Laascaanood, isla markaana taageeraan madaxnabaanida Somaliland si xal waara loo helo.

Qoraal Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah xalay ka soo baxay ayaa si faahfaahsan loogu xusay dedaalada xukuumadu ka geysatay soo afjarida colaada ka taagan Laascaanood iyo go’aan la’aanta odeyaasha Laascaanood sidii wada hadal loogu dhamayn lahaa khilaafka, waxaana lagu yidhi,

Si kastaba ha ahaatee, dadkii kiciyay khilaafkan ayaa diiday dhammaan dadaalladaas. Taas beddelkeeda, waxay sii wadeen hurinta, qalalaasaha iyo war-xumada si ay u sii khalkhaliyaan xasiloonida mandaqada, ugana soo horjeestaan qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Labadii bilood ee u dambeeyay, ciidamada Somaliland waxa lagu soo qaadayey weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, iyaga oo ku dadaalayay sidii ay u xakamayn lahaayeen xasillooni-darrada ugana hortagaan waxyeellada loo geysto dadka rayidka ah.

Sida dawladaha kaleba, Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaq u leedahay inay difaacdo madax-banaanideeda dhuleed, ciidamaduna ugu heegan yihiin si is-xakameyn iyo karti-xirfadeed ku dheehan tahay.

Iyadoo ay xaaladdan adagi jirto, haddana weli wax jawaab ah lagama bixin codsiyadii dawladda Somaliland ee ku aaddanaa, in Maraykanku ku qanciso maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalyahannada iyo hubka ka soo qulqulaya dhulkooda ee Laascaanood, ama in odayaasha deegaanka loo ogolaado inay wadahadlaan. Taasi waxay keentay in maleeshiyaad hubaysan ay si ciqaab la’aan ah uga hawlgalaan magaalada Laascaanood, kuwaas oo baqdin geliyey hoggaamiyeyaasha deegaanka ee doonaya inay wada-hadallo siyaasadeed la yeeshaan dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here